Dhabbad(RBC Radio) Maamulka magaalada Dhabbad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in la xaliyey dagaal beelo walaalo ah ku dhexmaray deegaankaas gudoomiye Aadan Cabdi Nuur Bilaal ayaa sheegay in la dhameeyey khilaafkii gacanka hadalka ahaa ee dhexmary beelo wada daga deegaankaas.
Aadan Cabdi Nuur ayaa sheegay in odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Dhabbad ay dadaal dheer u galeen dhamaynta khilaafka sababay gacan ka hadalka dhexmaray labadaasi beelood kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac inta ba leh.
Gudoomiyaha Dhabbad ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyey ay ku hawlanaayeen sidii la isku soo hor fariisin lahaa odayaasha dhinacyada dagaalay wuxuuna tibaaxay in ugu danbeyntii heshiis laga gaaray dagaalkii dhexmaray beelahaasi walalaalaha ah ee wada daga deegaanka Dhabbad.
Dagaalo khasaaro badan geystay oo marar badan soo noqnoqday ayaa ka dhacay deegaanka Dhabbad ee gobolka Galgaduud waxaana maalmihii danbe ka socday deegaankaas dadaalo badan oo lagu doonayey in lagu xaliyo gacan ka hadalka ka dhacay deegaankaas.
Inta badan deegaanada gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku badan isku dhaca iyo ganac ka hadalka dhex mara beelaha wada daga gobolkaas kuwaas oo isku maan dhaafa daaqa,Ceel biyoodyada iyio aanooyin qabiil oo soo jiitamayey mudo dheer.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho