Muqdisho(RBC Radio) Shirkii dib u eegista garsoorka dalka oo maanta ka fyrmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa qudbad dheer ka jeediyey madaxweynaha dalka Xasan Sh. Max’uud qudbada madaxweynaha oo ahayd mid aad uy dheer ayuu kaga hadlay ahmiyada garsoorka,waajibka kasaaran dowlada Soomaaliya iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada hagaajinta iyo helida garsoor wanaagsan.
Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyey in dowlada Soomaaliya aysan kaligeed go’aam ka gaari karin nuuca uu noqonayo garsoorka uu yeelanayo dalkeena Soomaaliya wuxuuna carrabaabay in dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada looga baahan yahay iney dowr muuqda ku lahaadaan in dhidibada loo aaso garsoor hagaagsan oo dalkuu uu yeesho.
Xasan Sh.Max’uud ayaa daboolka ka qaaday in shirka ujeedka loo qabtay ay tahay in dowladu ayshacabkeeda ka tala galiso garsoorka ay dooneyso iney ku hogaamiso dalka isla markaane ay bulshadu ka dhexmuuqato lana aruuriyo afkaarta ka qayb galayaasha shirka si hadhow fikirada wax ku oolka ah loogu daro go’aanada ay dowladu soo saari doonta marka uu soo idlaado shirkaasi.
Shirka ayaa socon doona maalmood oo xiriir ah waxaana kasoo qayb galay ergooyin ka kala yimi dalka guidihiisa iyo dibadiisa kuwaas oo ay casuuntay dowlada Soomaaliya,waxaana la filayaaa in gabagabada shirka laga soo saari doono go’aano dhaxal gal ah oo wax weyn ka bedeli doonka garsoorka dalka oo imbadan la dhaleeceeyo habka uu u shaqeeyo xiligan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho