Muqdisho(RBC Radio) Gudiga arimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumada cadaadis ku saaraya sii deynta mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ka buuxa xabsiyada wadamada caalamka gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Cumar Dalxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gudigoodu ay xukuumada ku cadaadinayaan sidii ay ugu doodi lahayd xuquuqda mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyo fara badan oo aduunka ah.
Max’ed Cumar Dalxa ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu ka gilgilanayo dhibaatada umada Soomaaliyeed ku haystada wado badan oo caalamka ah kuwaas oo si sharci darro ah Soomaalida xabsiyada ugu haya kadib markii ay si xaqootinimo ah ku gaareen wadamadaas haba ugu badnaadeen dalalka Afrika.
Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in gudiga arimaha dibada oo bilihii u danbeeyey aruurinayey warbixinada ku saabsan Soomaalida ku jira xabsiyada wadamada caalamka ay u gudbiyeen wasaarada arimaha dibada kuna amreen iney talaabo deg deg ah u qaado sidii loo sii deyn lahaa Soomaalida dhex ka buuxa xabsiyada wadamada shisheeye.
Kumanaan ruux oo Soomaali ah ayaa ku jira xabsiyo badan oo ku yaala wadamo kala duwan sida Liibiya,Zambia,Kenya,Sucuudiga,Giriiga,Maalta iyo dalka Cumaan oo ay ku xiran yihiin 38 ruux oo dhalinayaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu eedeeyey burcad badeednimo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho