Garbahaarey(RBC Rdio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Soomaaliya ay tixgalineyso rabitaanka shacabka Gedo wuxuuna ku booriyey iney cadeeyaan go’aankooda hadii ay doonayaan iney ka mid noqdaan maamulka Jubaland iyo hadii ay meelkale ku biirayaan,wuxuuna daboolka ka qaaday in dowlada Soomaaliya ay mar walba shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Gedo ku taageereyso rabitaankooda.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo la hadlayey maamulka iyo shacabka magaalada GArbahaarey oo uu shalay gaaray ayaa tibaaxay in dowlada Soomaaliya ay ku shaqaynayso waxa ay dadka Soomaaliyeed ku qanacsan yihiin isagoona tilmaamay ineysan dowladu cidne ku jujuubeen wax aysan dooneen.
R/wasaare SAacid ayaa tibaaxay in ujeedka safarkiisu uu yahay u kuurgalida xaaladaha nololeed ee shacabka gobolka Gedo iyo fikirkooda ku saabsan arimaha maamul u samaynta dalka ee ay wadp dowlada oo ku hawlan dhisida maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa xalay ku hoyday magaalada Garbahaarey waxaana la filayaa in maantane ay halkii ka sii socdaan wada hadaladii uu la lahaa masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Gedo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho