Raxanreeb-(Hargeysa) Bulshada reer Hargeysa ayaa dareeno kala duwan ka bixisay cuna qabataynta hubka ee laga qaaday dawlada Somaliya.
Dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa oo qaar ka mida aanu wax ka waydiinay dareenkooda ayaa shabakada Raxanreeb u sheegay sidan:-
“Magacaygu waa Warsame Faarax Muuse, waxaan la yaabanahay sababta wakhtigan Somaliya looga qaaday xayiraadi dhanka hubka, waxaan u fahmay dano gaara”
Akhriste kale oo lagu magacaabo Jaamac Xuseen Bile ayaa qaba rayi ka duwan midka uu qabo Warsame Faarax Muuse, waxaanu leeyahay.
“In Somaliya hubka ladga qaadaa waa mid meesha taala maadama oo ay maanta noqotay dawlad la aqoonyahay, waxaanse kulla talin lahaa masuuliyiinta dawlada Somaliya inay xoojiyaan nidaamka dawladnimo oo aanay raacin dariiqii dawladihii ka horeeyey”.
“Aniga magacaygu waa Jibriil Maxamed, ma qabo inay Somaliland wax khatar ah ku keeni karto qaraarka qaramada midoobay ee ay somaliya kaga qaadeen cuna qabataynta dhanka hubka. Somaliland dadkeenu hore ayey go’aan u gaadheen”
Arrinta xariyaad laga qaaday dhanka hubka ee Somaliya maaha mid ku kooban oo kaliya dareenka shacabka caasimada, hase ahaatee waxaa jira dareeno kala duwan oo ka dhex aloosan bulsho weynta ku dhaqan Somaliland.
Noomay suurto galin in aanu la xidhiidhno dadka ku dhaqan gobolada, hase ahaatee waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararka iyo barnaamijyada Radio Raxanreeb maalmaha soo socda.
Raxanreeb-Hargeysa