Image may be NSFW.
Clik here to view.Hargeysa (Raxanreeb) Xaafada Istaad hawska ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa goor dhawayd qabsaday dab xoogan, kaas oo sababay gubashada 320 aqal.
Sida uu Raxanreeb u xaqiijiyey gudoomiyaha xaafada Isdaad-hawska Mr Sulub Ibraahim Maxamed, waxaa shuf beelay saddex boqol iyo labaatan aqal oo isugu jira aqal Somali iyo sandaqado.
Gudoomiyaha oo ka hadlaayey sababta keentay gubashada guryahan ayaa yidhi:- “dabku wuxuu ka kacay aqal Somali gubtay, kaas oo uu qabsaday mid ka mida xadhkaha laydhka, dabeeto wuxuu wada gaadhsiiyey intii ka ag-dhawayd, taasina waata keentay in xaafaduba gubato”
Gudoomiyaha xaafada Istaad-hawska Mr Sulub Ibraahim Muxumed waxa kale oo aanu wax ka waydiinay inay jiraan wax khasaare nafeed ah oo halkaasi ka dhashay, waxaanu yidhi:-
“hada lama xaqiijin karo, waayo waxaanu ilaa hada ku mashquulsanahay bakhtiinta dabka, markaa waxaa jira caruur badan oo aan la ogayn inay nool yihiin iyo in kale, sababtoo ah dumarku caruurtay way seexiyaan oo waxay kaga tagaan aqalada xiliga duhurkii, markaa hada kuuma sheegi karo wax rasmiya oo khasaare nafeed ah”
Gudoomiyaha waxa kale oo aan wax ka waydiinay in gargaar loo fidiyey iyo in kale, waxaanu noo xaqiijiyey in aanay jirin wax gargaar ah oo lala gaadhay, hase ahaate wuxuu intaas ku daray in booyad gaar loo leeyahay ay kaalin lixaadle ka qaadatay, isla markaan uu goor danbe gaadhay mid ka mida dab damisyada magaalada Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee ilaa hada lama oga tirada dadka halkaasi waxa ku noqday, marka laga reebo guryaha shufbeelay.
Ugu danbayntii waxaa goobta gaadhay Taliyaha ciidanka booliska iyo maayarka caasimada, kuwaas oo kala qayb qaatay bakhtiinta dabkaas.
Hargeysa-Raxanreeb