Goldogob (RBC Radio) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDAD oo kamid ah Ururada Puntland ayaa sheegay in lagu kala kacay Shir maanta ay ku Yeesheen magaaladda Garoowe 6-da Urur,Guddiga Doorashada iyo Xukuumadda Puntland.
Guddoomiyaha Ururka Siciid Faarax Maxamed “”Sanweyne”"oo Saxaafadda kula hadlay magaaladda Garoowe ayaa sheegay in khilaafku ka Yimid wax ka badelka labada qodob ee Diiwaangelinta Codbixiyaasha iyo Aqoonsiga Muwaadinka,taasina ay sababtay in lagu kala kaco madasha.
Waxa uu sheegay in ay usoo Jeediyeen Guddiga KMG ah ee Doorashada iyo Xukuumadda talada haysa in haddii ay doonayaan in Doorasho ay dhacdo looga baahanyahay Xukuumadda in la helo Diiwaangelin,Maxkamad Dastuuri ah iyo Aqoonsi la siiyo Shacabka Puntland ee ka qeybqaadanaya Codbixinta.
Mudadii shirku socday ayuu sheegay in Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Xukuumadda Xubnihii ka socaday oo u Hoggaaminayey Madaxweyne Kuxigeenku u sheegeen in Shacabka Puntland dooneyn Doorasho Cadaalad daro ku dhacda loona baahanyahay in laga dhabeeyo arrimaha Dimuqraadiyada.
…”"”Waxaan niri anagu Shardi ka dhigi-mayno in dhamaan dadka reer Puntland Kaarar la siiyo laakiin ugu Yaraan waa in magaalooyinka dadka kunool ay kaarar helaan ,wixii dhanka Miyiga ka yimaadana sidii dhaqanka ahayd haloo qaabilo,arrintaas garowshiyo kama aanan helin…”"ayuu yiri.
Dareenkaygu ma Wanaagsana
Siciid Faarax Maxamed “”Sanweyne”ayaa Walaac ka muujiyey tallaabada dhanka Dimuqraadiyada ee ay wado Xukuumadda Puntland,Isagoona sheegay in Puntland iyo Shacabkeedaba wado haggaagsan ku Jihayn doonin.
…”"Waxaan aad uga Walaacsanahay hadda Xukuumadu ay ku talaabsaneyso in Cawaaqib xumo Puntland iyo Shacabkeeda in aysan meel fiican ku furi doonin….”"”ayuu yiri.
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayuu ku eedeeyey ineysan dhexdhexaad ka ahayn Qodobada la isku khilaafsanyahay taasina aysan u Cuntameyn Ururada Siyaasada ee Puntland.
Mid kamid ah Xoghayaasha Ururada Siyaasada ee maanta kulanka ka qeybgalay ayaa Racanreeb u sheegay in Ururada Horseed,Horcad,Wadajir iyo PDP ay taageersanyihiin in mowqfika Xukuumadda.
Cawrala Qoricuud
RBC Radio
Goldogob