Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hargeysa: Maxkamad Xukun Xadhig Iyo Ganaax Isugu Jira Ku Ridday Sheekh Eedaymo u jeediyey Xukuumadda

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa, ayaa Xukun isugu jira Xabsi iyo ganaax lacageed maanta ku ridday Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle oo lagu eedeeyey inuu yahay dembiile ku kacay waxyaabo jiritaanka dawladnimo ee Somaliland ka dhan ah.

Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle oo sannadkii hore ku dhawaaqay inuu samaystay Urur uu Guddoomiye ka yahay oo uu ugu yeedhay Xisbullah oo uu ku sheegay Urur-diimeed, ayaa dhawr jeer Ciidammada ammaanka Somaliland Xabsiga u taxaabeen, ka dib markii uu hadallo kicin, abaabul iyo aflagaaddo ah ku Warbaahinta mariyey.

Waxaana lagu xukumay fadhi ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex maanta yeelatay. Waxay Maxkamadda gobolka Hargeysa (Maroodi-jeex) ku xuntay Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle, Xadhig hal sano ah iyo Hal Malyan oo Lacagta Somaliland ah, sida uu maanta Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Cismaan Ibraahin Daahir.

“Sheekh Maxamed Cabdillaahi Geelle oo uu ku caddaaday inuu Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dembi Qaran ka galay, waxaa lagu xukumay hal sano oo xadhig ah iyo hal Malyan oo lacagta Somaliland ah.” Sidaa ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Cismaan Ibraahin Daahir.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa (Maroodi-jeex), waxa uu sharraxay qodobbo uu xusay inay ku jiraan Xeerka Ciqaabta guud oo ay u cuskadeen xukunka ay Maxkamaddu ku ridday Sheekh Maxamed Cabdillaahi Geelle. Waxaana aad loo adkeeyey ammaanka Maxakamadda gobolka, iyaga oo Ciidammada Booliska Somaliland iyo Kuwa Asluubtu markii xukunkaasi dhacay Sheekha u gudbiyey Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle ayaa tan iyo markii uu ku dhawaaqay Ururka Xisbullah ee uu Guddoomiyaha u yahay sannadkii waxa waxa la xidhay illaa afar jeer oo kalba markii uu wakhti xidhnaa laga sii daayey Xabsi, hase-yeeshee, waa markii ugu horreysay ee ay Maxkamadda gobolka Hargeysa ku riddo xukunkan oo kale.

Hase ahaatee, xadhiggan ugu dambeeyey ee Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle, ayaa ka dambeeyey aflagaaddo iyo eedaymo uu Warbaahinta u mariyey bishii hore Wasiirrada Xukuumadda Somaliland qaarkood, gaar ahaan Wasiirrada arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur iyo Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu ku eedeeyey inay ka tirsan yihiin Urur-diimeedka Al-Islaax iyo kuwo kale oo uu xusay inay halis ku yihiin nabadgelyada Somaliland.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles