Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Galdogob [RBC Radio] Dawladda Puntland ayaa maanta Saxaafadda usoo bandhigay Nin lagu sheegay in Afduub loogu haystay magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland muddo 19-beri ah.
Cabdullaahi Cabduqaadir Warsame oo afduub loogu haystay Garoowe ayaa dib u helay Xoriyadiisa ka dib markey Iska kaashadeen sii-deyntiisa Dawladda,Nabadoono iyo Culimada Puntland.
Shiikh Axmed Daahir oo Saxaafadda hadal kooban siiyey ayaa sheegay in lagu guuleystay lagana soo daayey dadkii haystay Cabdullaahi Cabdiqaadir oo muddo 19-beri ah afduub loo haystay.
Wuxuu sheegay Shiikh Axmed Daahir in Diinta Islaamka meelna aysan kaga jirin in qof Muslim ah qof kale danbigiisa dusha laga saari karin isla markaana Diintu kasoo horjeedo
Tallaabadaas.Cabdulaahi Cabduqaadir Warsame oo ahaa ninka afduubka loo haystay ayaa sheegay in mahadgaara ah uu u Celinaayo dadkii ka qeybqaatay soo deyntiisa,sida Culimada,Dawladda iyo Nabadoonada.
Waxaa isna Saxaafadda la hadlay Axmed Cabduqaadir Xaaji Cismaan oo la dhashay Cabduqaadir Cabdullaahi Xaaji Warsame oo afduub loogu haysto Maamulka Gal-mudug ayaa sheegay in kooxda haysata Walaalkiis ugu baaqayo in Shuruud la’aan kusoo daayaan.
Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ka Codsaday Gal-mudug iney ka qeybqaataan sii deynta Cabduqaadir Cabdullaahi Xaaji Warsame,wuxuuna xusay ineysan u dulqaadan doonin ku tumashada Xuquuqul Aadanaha.
Ninkaan maanta la sii=daayey ayaa afduubkiisu yimid ka dib markii Koox ku sugan Galmudug ay afduubteen Cabduqaadir Cabdullaahi Xaaji Warsame,iyagoona ku andacoonaya in nin deegaankooda kasoo Jeeda ay dil ku Xukuntay Maxkamad kutaala Garoowe,kaas oo lagu qabtay aaladaha Qarxa.
Macada tallaabada ay qaadi doonaan Kooxda afduubka u haysta weli Cabduqaadir Cabdullaahi Xaaji Warsame oo kasoo Jeedaa dhanka Puntland,balse eheladiisa ayaa sheegay iney ka rajo qabaan in lasoo daayo.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Cawrala Qoricuud
RBC Radio
Goldogob