Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidankii Amisom ee Maalmahan ku Sugnaa Galgaduud oo Hiiraan dib ugu Noqday

$
0
0

Galgaduud(RBC Radio) Ciidamada Jabuuti  ee qaybta ka ah hawlgalka Amisom ee maalmihii danbe ku sugnaa degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan  oo ay markii hore kasoo kici timeen ciidamada oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa saaka kasoo ruqaansaday gobolka Galgaduud iyagoona kusoo safray wada laamiga ah ee isku xirta Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ciidanka Jabuuti ka midka ah hawlgalka Amisom ayaa maalmhii danbe gaaray degmooyin ka mid ah gobolka Galgaduud saraakiisha ciidanka Jabuuti ayaa sheegay iney sahminayaan goobaha ku haboon ee ay fariisimo ka dhigan karaan marka ay si rasmi ah u gaaraan gobolka Galgaduud,ciidanka Jabuuti ayaa sidoo kale qeyb libaax ka qaatay sugida amniga waftiga R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon oo gaaray Galgaduud.

Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa ka socda wadanka walaalaha ah ee Jabuuti ayaa saraakiisha hogaamiya waxa ay shaaca ka qaadeen iney isku ballaarin doonaan deegaanada gobolada Dhexe oo ay hada kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan oo kaliya iyagoona ballan qaaday iney qayb ka qaadan doonaan sugida amniga gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Ciidamada nabad ilaalinta Amisom ayaa hawlgalo ay ku sugayaan amniga dalka Soomaaliya ka wada deegaano fara badan oo ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya iyagoona gobolo badan awood milateri kaga saaray ururka alshabaab oo dagaal kala horjeeda dwolada Soomaaliya.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles