Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirka dib u Habaynta Garsoorka oo lagu wado inuu Berri Muqdisho ka Furmo

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Wufuuda  lagu casuumay shir weynaha qaran ee dib u habaynta loogu samaynayo garsoonka dalka ee uu iclaamiyey madaxweynaah dalka ayaa kusoo qulqulaya gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo lagu wado in shirkaasi uu ka furmo maalinta Berri,galabta gabaldhicii ayaa waxaa soo gaaraya ragoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wafti ballaaran oo ka socda maamulka Puntland kuwaas oo lagu casuumay ka qayb galka shirka qaran ee dib u habaynta hay’adaha garsoorka dalka.

Waftiga ka yimi maamulka Puntland oo uu hogaaminayey Gen. Yuusuf Axmed Khayre ayaa  ka koobnaa 35 xubnood oo iskugu jiray Sharci yaqaano Culima udiin iyo Garsoorayaal kuwaas oo ka qayb gali doona shir weynaha dib u habaynta iyo dib u hagaajinta garsoorka dalka oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Xasan Sh. Max’uud.

Waftiga ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey wafti ka socday xukuumada Soomaaliya oo uu hor kacayey wasiir ku xigeenka wasaarada Garsoorka,Cadaalladda,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Jimcaale.

Waxayna ka mahad celiyeen in lagu casuumo shir weynaha ay iclaamisay dowlada Soomaaliya iyo sida diiran ee loogu soo dhaweeyey markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in shirkaasi uu si rasmi ah uga furmi doono magaalada Muqdisho waxaana shirka daah furi doona madaxweynaha umada Soomaaliyeed Xasan Sh. Max’uud.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles