Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirkii dhex maray Dowlada Puntland iyo Ururada Siyaasada oo lagu kala Dareeray.

$
0
0

Nairobi (RBC RADIO) Garoowe waxaa Maanta ku kulmay Masuuliyiin ka socotay Puntland oo uu horkacayay Madaxweyne ku xigeenka C/samad Cali shire, Masuuliyiin ka socotay Ururada Siyaasada  sida Udad, Midnimo, Hor-Cad, Horseed ,Wadajir, PDP, iyo Gudiga Doorashooyinka Waxaana laga wada hadlayay sida ay ururadu ugu qanci lahaayeen wax ka badalka Qodobo la sheegay in laga badalayo Dastuurka Puntland oo la xirirta Doorashooyinka Taasoo Ururada qaar ay ka biyo diideen.

 

Shirka ayaa sida ay ilo ku dhaw inoo sheegeen wuxuu ku bilowday jawi dagan halka uu is badalay kadib markii Maamulka Puntland uu codsaday in Ururada ay aqbalaan wax ka badalka Dastuurka si bulshada loogu daneeyo lagana hortago dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka Golaha deegaanka Waxaase arintaasi is hortaagay sida ay wararku nagu soo gaarayaan Ururada Midnimo  iyo Udad kuwaasi oo kasoo horjeestay  in la aqbalo codsiga Dowlada iyo Gudiga Doorashooyinka tilmaamayna in Cawaaqib xun ay Puntland u horseedi doonto hadii qodobadaasi laga saaro Dastuurka Puntland.

 

Kulanka ayaa lagu kala kacay iyadoo Maamulka uu Iminka Qorsheenayo in uu Dib markale ula kulmo Xisbiyada ugu Mayalka adag ee Midnimo iyo Udad ee arintan diidan iyagoo horay u sheegay in aysan ka qayb gali doonin doorashooyinka hadaan cabashadooda wax laga qaban lamase oga Talaabada uu Maamulku qaadi doono ee arintan la xiriira.

 

Qodobada laysku mari waayay ayaa ah in wax laga badalo isdiiwaangelinta iyo hakinta in qofka codaynaya  lagu adkeeyo Puntlandernimada taasoo ilaa iminka aan laysku afgaran waxaase jiri doona kulamo kale oo loogu gogol xaarayo sidii xal lagu heli lahaa intuusan waqtigu dhamaan.

RBC RADIO.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles