Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdigii uu hogaamninayay ayaa caawa kulan la qaadanaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Imaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu warbixin ka siin doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed, xaaladda dalka Soomaaliya ku sugan yahay iyo horumarka la gaaray. Sidoo kale Madaxweyne Xassan oo howl shaqo u jooga dalka Imaraadka ayaa waxaa uu warbixin ka siin doonaa safarkiisa waxa uga qabsoomay.
Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda u sheegi doono shaqooyinka ay xaqqa ugu leeyihiin in ay dowladda u qabato uuna kala hadlay dowladda Imaraadka Carabta in la dhowro shacabka Soomaaliyeed xaquuqdooda.
Kulankaan kadib ayuu Madaxweynaha wuxuu kulamo la qaadan doonaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Imaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa horay wuxuu u yiri “waxaan u dhaartay in aan difaaco Dalka,Dadka, iyo Diinta.” Waxaana uu xooga saarayaa sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed dib ay ugu soo noqon lahayeen dalkooda, sidoo kalena ay u maalgashan lahaayeen.
–
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia