Garbahaarey (RBC) Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo booqasho ku jooga magaalada Garbahaarey ayaa maanta booqasho ku tagay qabriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Siyaad Barre oo ku aasay duleedka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Raysul wasaare Saacid oo ay wehliyaan xubno ka mid ah wasiiradiisa, masuuliyiinta gobolka Gedo, saraakiil ciidan iyo waxgaradka Garbahaarey ayaa dul istaagay qabriga Marxuum Maxamed Siyaad Barre oo halkaasi lagu aasay sanadkii 1995-kii ka dib markii uu ku geeriyooday wadanka Nigeria.
“Waxaan Allaah uga baryeynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo marxuum Maxamed Siyaad Barre.” ayuu yiri raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay inay soo cafiyaan marxuumkan geeriyooday 18 sano ka hor.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa noqonaya masuulikii ugu horeeyay ee derejo sare haya oo booqda soona qabriga marxuum Maxamed Siyaad Barre tan iyo markuu dhintay sanadkii 1995-kii.
Kulamo ka socda Garbahaarey
Dhanka kale raysul wasaaraha oo ay maanta ubilaabatay booqasho saddex maalmood qaadan doonta oo uu kumarayo degmooyin ka mid ah gobolka Gedo ayaa galabta kulamo la qaatay odayaal, siyaasiyiin iyo maamulka gobolka Gedo oo ay ka wada hadleen arrimaha amaanka, noloshada dadka, abaaraha ka jira gobolka iyo nidaamka dawlada.
Mid ka mid ah xunaha xafiiska raysul wasaaraha oo wafdiga la socda ayaa Raxanreeb u sheegay in raysul wasaaruhu berito sii wadi doono kulamada odayaasha iyo maamulka oo guddiyo ka mid ah ay soo diyaarin doonaan waxyaabaha baahida gobolka ka taagan ee shacabka reer Gedo uga baahan yihiin dawlada dhexe.
Booqashada raysul wasaaraha ee gobolka Gedo ayaa qeyb ka ah socdaalka “dhageysiga iyo barashada” loo bixiyey ee raysul wasaare Saacid uu ku marayo gobollada dalka.
RBC Radio