Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhoweeyey Garbahaarey (Sawirro)

$
0
0

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhoweeyey Garbahaarey

Garbahareey, March 31.2013——-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, xildhibaano iyo saraakiil kale ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey boqolaal dadweyne ah kuwaasoo sitay sawirada Ra’iisal Wasaaraha, waxayna ku qeylinayeen soo dhowaada Jaallayaal, iyaga oo lulalayay caleemo qoyan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii uu gaaray magaalada Garbahaarey waxa uu durbadiiba guda galay kulamo uu la qaadanayo maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada si uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee degaanadan.

Odayaasha dhaqanka magaalada ayaa Xukuumada ka codsaday in laga garab siiyo dhanka amniga, gaara ahaana sidii looga sifeyn lahaa kooxaha nabadiidka ah degaanada gobolka Gedo ee weli gacantooda ku jira. sidoo kale odayaasha ayaa Ra’iisal Wasaaraha u cadeeyay in aysan wax lug ah ku laheyn shirka Kismaayo ka socda, cid reer Gedo ahna aaney ka qeybgalin.

Odayaasha ayaa sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa u xaqiijiyay inay diyaar la yihiin inay ku wareejiyaan hantidii dawladda iyo xarumihii ay dawladdu laheyd, si loogu adeego bulshada.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo xubno ka tirsan wafdigiisa ayaa galabta soo booqday qabriga madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxayna halkaasi ku dul aqriyeen Iqlaas, iyaga oo u duceeyey.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa ducada kadib, alle uga baryay inuu u dambi dhaafo “Wixii uu qabtay runtii waa wax muuqda, illaaheyna dembi dhaaf ayaan uga baryeynaa” ayuu yiri.

SAM_1197 (2) SAM_1194 (2) SAM_1178 (2) SAM_1169 (2) SAM_1159 (2) SAM_1157 (2) SAM_1149 (2) SAM_1065 (2) SAM_1042 (2) SAM_1028 (2) SAM_1010 (2) SAM_0987 (2) SAM_0978 (2) SAM_0972 (2) SAM_0970 (2) SAM_0963 (2)

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles