Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Siilaano oo mar kale ka hadlay shirka London (Dhageyso)

$
0
0

Hargeysa (RBC)- Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb galay maanta shirkii golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa ka hadlay mawqifka Somaliland ee shirka London iyo wada hadaladii Somaliland iyo Somalia.

Shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa dib loo dhigay iyada oo lagu waday in uu maanta furmo, hase ahaatee furitaankiisii lagu shaaciyey in dib loogu riixay bisha December 25 2013-ka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay Somaliland ahaan mawqif cad ka leeyihiin shirka London, waxaanu intaas ku daray in aanay dadka suuqa jooga waxba ka waydiin doonin talada shirka London iyo waxa laga yeelaayo.

Madaxweynaha oo ka hadlaayey shirka London ayaa yidhi “ shirka London kama qayb galayno oo waxaanu u aragnaa in aanu na khusayn, danina aanay ugu jirin qaranka Somaliland”

Geesta kale madaxweynaha ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee la filaayo inay dhex maraan labada daraf, waxanau yidhi “waa barnaamij socda oo ka soo bilaabay shirkii London 12 February 2012-kii, kaas oo dunidu fagaare ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlaan musqabalkooda siyaasadeed’

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee madaxweyne Siilaanyo ka hadlo labada mawqif ee Somalia iyo Somaliland.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Khudbada madaxweynaha ee ku saabsan shirkaas iyo wada xaajoodka halkan ka dhagayso.

Raxanreeb-Hargeysa

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles