Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xarun Biraha Iyo Matoorada Lagu Farsameeyo Oo Laga Furay Magaaladda Boosaaso[Sawiro]

$
0
0

 

Dadweyne Ku sugan furitaanka Toornada

Boosaaso[RBC Radio] Xaflad ballaaran oo lagu furaayey Xarun cusub oo farsameyn doonta Biraha iyo Matoorada (Toorno),looguna Magac daray Xawlwo Kismaayo ayaa laga furay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Furitaanka Munaasabada ee Toornada Cusub ayaa,waxaa kasoo qeybgaleen Madax ka tirsan Xukuumadda Puntland,Ismio,Nabadoono,Culuma’udiin, Ganacsato,Haween,Dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.

Madaxa Xawlwo Kismaayo ahna Mulkiilaha Xarunta Cusub ee Toornada Ganacsade Cabdullaahi Shiikh ayaa sheegay in Qorshaha Tooranada ay bilaabeen Sideetameeyadii isla markaana hadafkoodu ahaa mid aad u fog.

…”"” Tooranada hawsheeda,waxaan ku guda jirnay ilaa 1980- meeyadii,hadafkeenu wuxuu ahaa mid aad u fog In kastoo dadku nagu barteen Xalwada balse qorsheheenu Xalwada waa ka fogaa oo waxaan u soconay Toornooyinka iyo arrimaha ku Saabsan maadaama aan nahay dad khuburo ah oo aqoon fiican u leh xaga Toornada,..”"”ayuu yiri Cabdullaahi Shiikh.

Ganacsade Cabdullaahi Shiikh Oo ah Mulkiilaha Toornada Cusub

Ganacasade Cabdullaahi Shiikh ayaa sheegay in Furitaanka Xaruntan Biraha iyo Matoorada lagu Farsameyn doono ku khasabtay ka dib markey arkeen baahida ay u qabto bulshada Puntland iyo tan Soomaaliyeen,iyagoona dalalka dibada u qaadi jiray Biraha iyo Matoorada ka Ciladooba.

…”"”Arintaas,waxaa nagu khasabtay markaan aragnay baahida taala gobolada Puntland ama Soomaaliya guud ahaan,waxaan ku talagalnay bal inaan kabno baahidaas iyo bal waxaan ka qaban karno haddii ALLE idmo taasna waxaan u marnay dadaal iyo qorshe dheeraad ah….”"”"ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray Ganacsade Cabdullaahi Shiikh in dalku u baahanyahay Warshado wax soo saar taas marka la helno ay fududaan doonto in dadka Shaqo ka helaan iyadoo la dabar goynaayo Shaqo la’aanta baahsan ee bulshada haysata.

Wasiir Kuxigeenka Hawlaha Guud ee Dawladda Puntland Abshir Siciid Saalax ayaa isna sheegay inuu ku rajo weynyahay in Xarunta cusub ee Toornada ay Ummada Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed ka haqabti doonto baahiyaha ku keeni jiray iney dalka dibadiisa u Safraan.

…”"” Ummada Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba waxaan ku rajo weynaha iney noqon doonto meel ka haqab tiri doonta arrimihii loo aadi jiray dibadaha,Ganacasatada wadanku waa iney isku Xilqaamaan iney dalkooda kusoo noqdaan,shaqona u abuuraan dadkooda iyo dalkooda,..”"ayuu yiri Wasiir Kuxigeenku.

Wasiir Kuxigeenka Hawlaha Guud ee Puntland Abshir Siciid Saalax

Wasiir Kuxigeenka Amniga Dawladda Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed,Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim Xarago,iyo marti sharaf kale oo hadalo kasoo Jeediyey furitaanka Toornada ayaa dhamaantood,waxay si isku mid ah usoo dhaweeyeen Horumarka lagu soo kordhiyey bulshada.waxayna amaan gaar ah u soo Jeediyeen Ganacsade Cabdullaahi Shiikh.

Si kastaba ha ahaatee Xarunta Biraha iyo Farsamada Matoorada ee Xalwo Kismaayo ayaa noqon doonta sida uu sheegay Cabdullaahi Shiikh mid baahida bulshada wax weyn ka tari doonta,taasoo dadku dibada ugu Safri jireen.


 

______________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles