Mudanayaahsa baaarlamaanka ayaa maanta kaga dooday kala fadhiga 2-aad kulankiisii 7-aad oo ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxaana kulanka maanta shir gudoominayey gudoomye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar.
Kulanka oo ay soo xaadireen 163 xildhibaan ayaa waxaa ay ahaayeen ajandayaasha maanta lagu falanqeeyey 2 arimood oo kala ahaa dhaarinta xildhibaano cusub oo ka mid noqonaya baarlamaanka iyo in warbixin laga dhegeysto qaar ka mid ah mudanayaashabaarlamaanka oo safar ku tagay gobolada dalka.
Gudoonka baarlamaanka ayaa markiiba guda galay ajandayaasha horyaalay baarlamaanka waxayna ku hormareen dhaarinta 2 xildhibaan oo ka mid noqonaya baarlamaanka federaalka Soomaaliya kuwaas oo kala ah Faarax Axmed Cawad iyo Aadan Max’ed Cali.
Xildhibaan Faarax Axmed Cawad ayaa waxaa lagu bedelay booskii Siyaad Max’uud Mire oo hada noqday qunsulka Safaarada Soomaalida ee dalka Kenya halka Xildhibaan Aadan Max’ed Cali lagu bedelay booskii marxuum Sheekh Nuur Cali Aadan oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Markii ay dhamaatay dhaarinta mudanayaasha cusub ayaa waxaa la guda galay ajandihii 2-aad ee kulanka maanta baarlamaanka ee ahaa dhegeysiga warbixinada ay gobolada ka keeneen xildhibaanadii socdaalada ku tagay gobolada dalka qaarkood
Waxaana ugu horeyntii warbixin siisay mudanayaasha baarlamaanka xildgibaanad Sacdiyo Careys Ciise oo sheegtay iney safar ku tagtay gobolada Mudug Bari iyo Nugaal,waxayna tilmaantay in deegaanada qaarkood ay kusoo aragtay dhibaato baaxad leh oo ka jirtay taasoo ay ka xustay caafimaad la’aan iyo waxbarasho la’aan haysata dadka deegaankaas waxayna ka codsatay baarlamaanka Soomaaliya inuu u istaago wax u qabashada dadkaasi tabaaleysan.
Xildhibaan Nuur Faarax oo ka mid ahaa mudanayaal gaaray gobolka Galgaduud ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay kala soo kulmeen markii ay gaareen gobolka Galgaduud wuxuuna tibaaxay in shacabka gobolkaas ay u baahan yihiin gargaar dhan walba ah oo ay la gaarto dowlada,isagoona sheegay in shacabka gobolkaas ay u ooman yihiin dowlada.
Kulanka warbixinta looga dhegeysanayo xildhibaanadii safarada ku tagay gobolada dalka ayaa sii socon doona maalmaha soo socda waxaana ugu danbeyntii shirka soo xiray gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho