Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Isbahaysiga Raila Odinga oo Dalbaday in La Joojiyo Tirinta Codadka Doorashada Kenya Iyagoona Caro Weyn ka Muujiyey Habka ay u Socoto Trinta Codadka

Nairobi(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya wadanka Kenya ayaa ku waramaya in goordhow xisbiga uu hogaamiyo R/wasaare Raila Odinga ay si buuxda u qaadaceen tirinta codbixinta dalka Kenya kadib markii ay shaki ka muujiyeen sida ay u socoto tirinta codadka doorashooyinka wadankaas oo si gaabis ah ku socota.

Madaxweyne ku xigeenka wadanka Kenya Kalonza Mizyoka oo ka mid ah xisbiga CODE ee uu hogaaminayo R/wasaaraha wadanka Kenya Raila Odinga oo shir jaraa’id ku qabtay  magaalada Nairobi ayaa amar ku bixiyey in gabi ahaanba la joojiyo tirinta cod bixinta doorashooyinka dalkaas.

Klonzo Mizyoka ayaa si kulul u dhaliilay sida ay u socoto tirinta codbixinta wuxuuna sheegay iney hayaan daliilo cad cad oo tilmaamaya iney jiraan isbedel lagu sameeyey habkii loogu tala galay iney u socoto tirinta codadka doorashooyinkii ay dhiibteen shacabka dalkaas iyo daahinta  waxa keenay  ,Mizyoka ayaa meesha ka saaray iney ku baaqayaan mudaharaadyo ay iskugu soo baxaan taageerayaashooda.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa wax aan la aqbali karin ku sheegay iney xumaadaan codad gaaraya 330,000 kun oo cod kuwaas oo gudiga doorashooyinku uu sheegay iney gabi ahaanba xumaadeen codadka la sheeegay iney xumaadeen ayaa waxaa laga dhiibtay gobolada uu ku xooggan yahay Raila Odinga,hadalka kasoo baxay isbahaysiga CODE ayaa waxaa laga baqdin qabaa inuu kiciyo rabshado xoogan oo ka dhaca Kenya iyadoona la xasuusti in doorashadii sanadkii 2007 oo sidan oo kale ay gaashaanka u daruureen Raila iyo asxaabtiisii xiligaas  habkii doorashada taasoo keentay iney rabshado ba’an ka dilaaceen wadankaas.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles