Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Turkiga oo Muqdisho ka hirgalinaya Dugsiyo lagu Barto Xirfado kala duwan

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Dowlada wadanka Turkiga ayaa sheegtay iney magaalada Muqdisho ka hirgalineyso Dugsiyo waxbarasho oo hor leh kuwaas oo ay wax ku bari doonaan dadka Soomaaliyeed gudoomiyaha hay’ada Bisha Cas ee wadanka Turkiga oo la hadlayey wakaalada wararka u faafisa wadanka Turkiga ayaa daboolka ka qaaday iney dhawaan magaalada Muqdisho ka dhisayaan dugsi lagu barto xirfado kala duwan.

Ahmed Lutfi Akar oo ah gudoomiyaha hay’ada Bisha Cas ee wadanka Turkiga ayaa shaacak ka qaaday iney magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan dugsi Farsamo oo shacabka Soomaaliyeed lagu bari doono xirfado kala duwan,gudoomiyaha oo wareysi siinayey wakaalada wararka sida rasmiga ah ugu faafisa dalka Turkiga ee Anadolu.

Axmed Lufti ayaa sheegay in waxyaabaha lagu baran doono dugsigaas ay ka mid yihiin xirfadaha Korontada,Kombiyuutarka,Farsamada Matoorada  iyo Mashiinada,wuxuuna sheegay in ku dhawaad 300 oo arday ay ka faa’iideysan doonaan xiliga ugu horeeya.

Akar ayaa sheegay in dalka Turkiga gargaarka Bini aadaninimo ee uu ka wado gudaha Soomaaliya uu ka eegi doono dhinacyo badan tanine ay qayb ka tahay dadaalada ay ku doonayaan iney kor ugu qaadaan nolosha mawaadiniinta Soomaaliyeed.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles