Kismaayo9RBC Radio) Odayaasha gacanta ku haya shirka maamul u samaynta Jubaland ee ka socda magaalada Kismaayo ayaa sheegay iney isku dayeen kulan ay la qaataan R/wasaaraha Soomaaliya intii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo balse si ay shirka ugu wareejiyaan balse waxa ay sheegaan in R/wasaaruhu uu diiday kulan uu la qaato odayaasha shirka Kismaayo.
Nabadoon Cumar Max’ed oo ka mid ah odayaaasha dhaqanka ee gacanta ku haya shirka maamul u samaynta gobolda Jubada hoose,Jubada dhexe iyo Gedo ayaa sheegay iney tiro dhowr jeer ah ka dalbadeen R/wasaaraha Soomaaliya inuu kulan la qaato odayaash si ay shirka ugu wareejiyaan dowlada Soomaaliya.
Nabadoonka ayaa sheegay in R/wasaare Saacid uu ka war wareegay inuu si ka fool ka fool ah kulan ula yeesho odayaasha dhaqanka ee lagu wareejiyey hogaaminta shirka la doonayo in lagu dhiso Jubaland,wuxuuna intaa ku daray in shirka Kismaayo uu dhowr maalmood u xayirnaa RW.
Nabadoon Cumar Max’ed ayaa ku eedeeyey R/wasaaraha Soomaaliya inuu hareermaray raabitaanka shacabka gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo ah iney samaystaan maamul goboleed ay u wada dhan yihiindhamaan beelaha goboladaas daga,wuxuuna hoosta ka xariiqay in shirku uu sii socon doono ilaa ay ka dhisaan maamul goboleed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho