Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay xilka madaxtinimada dalkaas doorshadii ka dhacday Kenya horaantii bishan March.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sh. Max’uud ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka iyo dowlada Soomaaliya ay hambalyo u dirayaan madaxweynaha cusub ee ay soo doorteen shacabka dalkaas.
Warsaxaafadeedka ayaa madaxweynaha ayaa lagu bilaabay “Anigoo wakiil ka ah shacabka iyo xukuumada Soomaaliya waxaan doonayaa in aan ugu hanbalyeeyo shacabka Kenya sida ay u soo doorteen madaxweyne Kenyatta doorasho si xor ah ku dhacday, waxaana ku kalsoonahay in hogaankiina cusub uu idin gaarsin doono hor mar weyn sanadaha soo socda”.
Madaxweyne Xasan Sh. Max’uud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inuu halkiisa kasoo socdo xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaaliya iyo Kenya isagoon tilmaamay inuu ka filayo madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu dalkiisa gaarsiin doono horumar iyo barwaaqo.
Uhuru Kenyatta ayaa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday bilowgii bishan walow gudigii doorashada ay ku dhawaaqeen inuu yahay madaxweynaha dalkaas ayaa waxaa arintaasi muran ka keenay ninkii sida weyn ula loolamayey ee Raila Odinga waxaana la isla aaday maxkamada sare ee dalkaas taasoo shalay go’aamisay in Uhuru uu yahay madaxweynaah sharciga ah ee dalka Kenya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho