Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Gobolka Sh/dhexe oo eedo loo Jeediyey

$
0
0

Jowhar(RBC Radio) Waxgaradka gobolka shabeelaha dhexe ayaa eed kala dul dhacay masuuliyiinta maamulka gobolkaas odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka shabeelaha dhexe ayaa ka cawday maamulka gobolkaas xili ay shalay wada hadal la lahaayeen Raysal wasaaraha xukuumada oo  gaaray gobolkaas.

Waxgaradka ayaa u sheegay Raysal wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid in maamulka gobolkaas uu ka gaabiyey hwshii loo igmaday isla markaane ay ku sifoobeen waxqb la’aan iyo cadaalad darro ay ku hayaan bulshada ku nool gobolka shabeelaha dhexe.

Eedaha loo jeediyey maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka mid ah in maamulku uusan waxba ka qaban arimaha bulshada gobolkaas sida caafimaadka,waxbarashada,amniga iyo nadaafada sida ay ku doodeen waxgaradka gobolkaas oo cabashadooda u gudbiyey wasiirka koowaad ee dalka.

Cabdi Faarax Shiirdoon Raysul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa u ballan qaaday waxgaradka goblkaas in dowlada Soomaaliya ay si dhaqso ah wax uga qabaneyso cabashada ay usoo gudbiyeen,wuxuuna tilmaamay in dowladu aysn marnaba indhaha ka laaban doonin cadaalad darada ay ka cbanayaan bulshada gobolka shabeelaha dhexe.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles