Muqdisho(RBC Radio) Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin kama danbeys ah u diray xildhibaanada aan soo xaadirin kulamada baarlamaanka Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaaka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo maanta shir gudoominayey kala fadhigii labaad kulankiisii afaraad ayaa digniin kama danbeys ah u diray xildhibaanada ka maqnaada kulanka baarlamaanka.
Mahad Cabdalla Cawa ayaa shaaca ka qaaday in gudoonka baarlamaanka Soomaaliya uusan aqbali doonin in mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya aysan soo xaadirin kulamada baarlamaanka Soomaaliya isagoona si cad u sheegay in xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada baarlamaanka 7 kulan oo xiriir ah ama aan xiriir ahayn inuu muteysan doono shan meelood hal meel oo ka mid ah gunadiisa in laga gooyo.
Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka haane shir gudoonka fadhiga afaraad ee kala fadhiga labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka ka hor Akhriyey liis ay ku qoran yihiin magacyada 50 xildhibaan oo aan soo xaadirin afartii kulan ee ugu danbeeeyey.
Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka dalbaday mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iney ka shaqeeyaan danaha umada Soomaaliyeed ee ay metelaan isla markaane ay ka qayb galaan kulamada baarlamaanka kuwaas oo looga arinsanayo aayahaya iyo masiirka umada Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho