Lafa-ruug(RBC):- Allaah ha u naxariistee saddex ruux oo mid ka midi ka tirsanaa Xildhibaananda golaha Guurtida Somaliland, ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Baabuur ay wateen oo Daad ku qaaday Dooxa Tuulada Lafo-ruug oo ka tirsan degmada Berbera ee gobolka Saaxil, isla markaana ay marto waddada Laamayda ah ee isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Sida ay sheegayaan wararka uu deegaanka Lafa-ruug ka helayo Xafiiska Hargeysa ee RBC Radio (Raxanreeb.com), saddex ruux oo uu ka mid ahaa Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Shire Faarax oo loo yaqaannay (Aadan-Sanweyne) ay geeriyoodeen, ka dib markii sida la sheegay Daad Xooggan oo ka soo rogmaday Roobab galabta ka da’ay deegaannada Lafa-ruug dhinaca Galbeedka kaga beegan, kaasoo la sheegay inuu qaaday gaariga ay saarnaayeen Xildhibaanka iyo illaa shan qof oo la socday.
Hase-yeeshee, waxaay wararku intaa ku darayaan in shantii qof ee baabuurkaas saarnaa laba ka mid ahi ay ka badbaadeen, halka saddexda qof ee geeriyooday ee uu Xildhibaanku ka mid ahaa la sheegay inaan raq iyo ruux toona lahayn, balse ay ugu war-damaybaysay markii Daadka Dooxa Lafa-ruug marayey la tagay.
Baabuurka ay dadkani saarnaayeen ee Daadku qaaday ayaa ahaa nooca Laangaruusalka loo yaqaanno, kaasoo uu lahaa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, kaasoo ka yimi dhinaca Berbera oo uu ka soo qaaday dad Xaas dibedda ka yimi oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.
Inkasta oo ay jiraan warar kale oo Xafiiska Raxanreeb ee magaalada Hargeysa ka helayo Tuulada Lafa-ruug iyo magaalada Berbera ay xaqiijiyanaan geerida Allaah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Aadan Shire Faarax (Aadan-Sanweyne), Nin Oday ah oo magiciisa lagu sheegay Xaaji Dayuur oo la socday iyo Xaaskiisii oo iyaduna la socotay siday wararku sheegayaan.
Dooxyada u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, ayaa xilli-roobaadyada sababa khasaare badan oo naf iyo maalba isugu jira, kuwaasoo tan iyo markii ay Roobabka gugu curteen muddo laba toddobaad gudohood ah qaaday Baabuur badan oo illaa lix gaari gaaraya iyo wixii saarnaa, balse shilkan Cadceed-dhicii galabta dhacay ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee sababa qasaare nafeed oo intan le’eg.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiro weli xal ay Xukuumadaha u kala dambeeyey Somaliland u heleen halista markasta oo Roobab jiraan ka taagan Dooxyada ku yaalla jidka u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kuwaasoo ay mar walba oo Daadad jiraan ay ka dhacaan qasaaro kan oo kale ah oo naf iyo maalba leh.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.