Garoowe (RBC RADIO) Xarunta Cilmi Baarista ee PDRC ayaa Bari waxaa ku kulmi doona Masuuliyiinta Dowlada Puntland, Gudiga Doorashooyinka KMGka ah iyo 6da Urur siyaasadeed ee Puntland ka jira kadib markii Dowladu ogolaatay in ay dhageysato Cabashooyinka ay Ururadu kasoo gudbinayaan Arimaha Doorashooyinka iyo Isbedelada la qorsheynayo oo qaar ka mid ah Qodobadaasi ay u cuntami weesay Ururada sida ay sheegeen waxaana la filayaa in Kulankaasi ay kasoo qayb galaan midkood Madaxweynaha ama ku xigeenkiisa iyo Msuuliyiin kale oo Dowlada Ka tirsan.
Kulankan ayaa looga hadli doonaa sidii meesha looga saari lahaa Caqabadaha is hortaagay Dardar gelinta Arimaha Doorashooyinka Puntland iyo ka dhabaynta Arimaha Dimuqraadiyada ee lagu taamayo in laga hirgesho Deegaanada Puntland sida ay ku niya weyntahay Xukuumada hada Talada Haysa waxaana si waadax ah ay Dowladu u dhagaysan doontaa Cabashada ay Ururadu hayaan waxaana laga yaabaa in hal meel wax laysugu keeno Ururada iyo Maamulka hada jirana leysu soo dhaweeyo sida uu qorshuhu yahay.
Kadib markii Ururada jira qaarkood ay Afka furteen sheegeenna in aysan Dooorashooyinka ka qayb gali doonin sababa jira awgood ay taasi soo dadajisay in Maamulku uu ku dhiirado la kulanka Ururada oo awal aysan taasi meesha ku jirin oo aysan marnaba kulmin Maamulka iyo Ururada, hase ahaatee waxaa si wayn looga warsugayaa waxa kasoo baxa kulankaasi 3geesoodka ah ee Barito ka dhicidoona Xarunta PDRC ee Magaalada Garoowe, waxaa kaloo jira in Hay’adaha Deeqbixiyeyaashu qudhooda ay ku taliyeen in 2da dhinac ay wada hadlaan halmeelna wax leysugu keeno kadib markii ay soo korortay Cabasho badan oo la xiriirta Arimaha Doorashooyinka Puntland.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.