Hargeysa(RBC):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay eedaymo bilihii u dambeeyey dadka qaar u jeediyeen, kuwaasoo ku tilmaamayey inuu ka tirsan yahay Ururro Diimeed oo Soomaaliya ka jiray, sida Urur-diimeedka Al-Islaax iyo kuwo kale oo ku dhaw.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale, waxa uu sheegay inuu yahay qof Diinta Islaamka wax ka yaqaanna, isla markaana Diinta ku faana ee aan ka faanin, balse aanu jirin Urur-diimeed kuwa lagu tilmaamay ka mid ah oo uu ka tirsan yahay. Wasiir Samaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu xusay in xilka iyo kursigu cadaawad badan qofka bina-aadamka ah ku abuuro, taasina aanay isaga shiddo ku haynin, maaddaama oo uu diyaar u yahay inuu jagada Madaxweynennimo ee Somaliland u tartamo marka uu Madaxweyne Siilaanyo waqtigu ka dhammaado 2015-ka haddii Illaahay gaadhsiiyo.
“Damaca Siyaasiga ahi eedayn iyo dhaleecayn badan buu leeyahay, qofku marka uu xil qabto, dad badan oo markii hore jeclaa ayaa xilkaa uu qabtay ku naca ama ku dhaleeceeya, mararka qaarkood damaca iyo dumuuxa ayaa iska hor-yimaadda oo booska aad hayso ama aad tagayso qofbuu hamigiisa ku jiray, markaana aragtiyihii iyo doonistii dadka ayaa iska hor-imanaaya. Dabadeedna, markaad buuxa boos qof doonayey hirdan siyaasadeed ayaa imanaya.” Sidaa ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo ka jawaabayey su’aal shirkiisa jaraa’id ee maanta lagu weydiiyey oo la xidhiidhay waxa ka jira Ururrada uu ka mid yahay Islaax ee lagu sheegay inuu ka tirsan yahay.
Waxaanu Wasiir Samaale oo hadalka jawaabtiisa sii wataa intaa ku laray oo uu yiri; “Markaa, hawsha siyaasadeed ee Diiniga ahi way cusub tahay waxaanay la kowsatay maalintii aan ku dhawaaqay inaan isu taagi doono Musharraxa Madaxwaynaha wixii ka dambeeya Madaxwaynaha maanta jooga. Meelo badan bay hunjuun, dagaal iyo cayi (aflagaaddo) ka timid, meelna kagamaan jawaabin oo dacmacaa aan yeeshay inuu hirdan siyaasi ah leeyahay waan ogaa.”
“Waxaan idiin sheegayaa Cabdicasiis ahaan Diinta waan ku faanaa ee kama faano, Diinta korbaa loogu kacaaye, hoose looguma dhaco. Markaa, anigu inaan Diini ahay oo aan Diinta wax ka aqaanno diidi maayo ee waan ku faanaa. Laakiin, waxba ku yeelimaayo hadalka qof tartan idiinka dhaxeeyaa uu doc tuurayo ee uu dad u addeegsanaayo. Ururrada Diiniga ah ee laga hadlayo urur aan ka mid ahayna ma jiro haba- yaraatee.” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Geesta kale, Wasiir Samaale waxa uu ka warramay habsami-u-socodka oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2013-ka ee dawladda dhexe ee Somaliland uu u socdo sidii loogu talo-galay, isla markaana uu soo xerooday Dakhliga loo qorsheeyey inuu Qasnadda dawladda ku soo dhaco saddexda bilood ee sannadkan aynu ku jirno ugu horreeya.
Wasiir Cabdicasiis Samaale, waxa uu shirkiisa Jaraa’id ku beeniyey in hanti lunsi iyo wax-is-daba-marini ay Wasaaradda Maaliyadda ka dhacday, taasoo uu qoray mid ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa, waxaanu Wasiirka Maaliyaddu ku dooday inaan warkaasi waxba ka jirin. Sidoo kale, waxa uu Wasiir Samaale beeniyey inay jiraan dad qoyska Madaxtooyada Somaliland ka ag-dhaw oo uu si gaar ah maaliyadda dadweynaha ugu naas-nuujiyo Wasiir ahaan.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, jawaab cad ka bixiyo eedaha la xidhiidha Ururro-diimeedyo lagu tilmaamay inuu ka tirsan yahay oo uu ka mid yahay Ururka AL-Islaax oo dhawr jeer lagu eedeeyey inay xubno ka yihiin isaga iyo dhawr Wasiir oo kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ka talisa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaamiyo.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.