Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Baarlamaanka Puntland oo Wali aan go’aan ka gaarin wax ka badalka Qodobo ka mid ah Dastuurka Puntland.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Maanta ayaa Markii 3xaad waxaa dib u dhacay Kalfadhi ay isugu iman lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka kaasi oo la xiriira in ay Go’aan cad ka Gaaraan Qodobo Dhawr ah oo laga bedelay Dastuurka Puntland kaasi oo la xiriira Arimaha Doorashooyinka Golaha Deegaanka oo dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Puntland iyadoo horay ay usoo Ansixiyeen Qodobo Badalkaasi Golaha Wasiirada hase ahaatee wali waxaa la sugayaa dhanka ay u codeeyaan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland iyadoo aan la shaacin sababaha uu Kalfadhigaasi u baaqday saxaafadana looma soo gudbin.

 

Wararka ayaa sheegaya in Xaaladu ay adkaatay kadib markii Ururo ka mid ah 6da Urur siyaasadeed ee Puntland ka dhisan oo ay ka mid yihiin UDAD iyo MIDNIMO  in aysan ka qayb gali doonin Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Puntland hadii Qodob laga badalo Dastuurka Puntland ayeey arintaasi dib u dhigtay in Xildhibaanadu ay ku deg degaan u codaynta Meelmarinta Qodobadaasi inkastoo sidoo kale ay jiraan Ururo Af iyo Qoraalba ku muujiyay in ay Taageerayaan Wax walba oo laguhormarinayo Puntland loogana Gudbayo  Doorashooyinka Qabaa’iliga ah bilaa shuruudna ay Arintaasi ku aqbaleen.

 

Inkastoo aan la shaacin Xiliga ay Xildhibaanadu isu soo laabanayaan Go’aankoodana soo bandhigayaan hadana waxaa laga dhur sugayaa halka ay Xildhibaanadu u bataan iyadoo qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wakiilada oo si hoose raxan-Reeb ula hadlay sheegeen in Baarlamaanku Meel marindoono Qodobada laga badalay Dastuurka Puntland, Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan hortagay Golaha Wakiilada Wuxuuna ka codsaday in danta Puntland awgeed ay u ansixiyaan Qodobadaasi la badalay oo la xiriirta istiiwaan gelinta, iyo cadaynta Puntlandernimadiisa qof walba oo Cid u codaynaya.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles