Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumada Soomaaliya ayaa maanta hortagay gudiga baarlamaanka u qaabilsan dhaqaalaha,ganacsiga iyo warshadaha oo ka dalbaday wasiirka inuu uga waramo baarlamaanka halka ay marayaan xaaladaha wasaarada iyo waxyaabaha u qabsoomay mudadii ay jirtay.
Markii uu soo dhamaaday kulanka ay wada yeesheen wasiirka iyo gudiga ganacsiga iyo dhaqaalaha baarlamaanka ayaa waxaa saxaafada uga warbixiyey waxyaabihii diirada lagu saaray shirka maanta gudoomiyaha gudiga arimaha ganacsiga dhaqaalaha iyo warshada baarlamaanka Soomaaliya mudane C/laahi Jaamac Xuseen.
C/laahi Jaamac ayaa sheegay in kulanka maanta ay dalbadeen gudiga dhaqaalaha iyo warshadaha ee baarlamaanka si ay wax uga ogaadaan waxa u hirgalay wasaarada mudadii ay xilka haysay wuxuuna sheegay in dhamaan su’aalihii ay weydiiyeen wasiirka ganacsiga iyo warshadaha uu si uhafan uga qanciyey gudiga dhaqaalaha ganacsiga iyo warshadaha baarlamaanka Soomaaliya.
Dhanka kale wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha xukuumada Soomaaliya mudane Max’uudAxmed Xasan ayaa sheegay in wasaaradu ay gudiga baarlamaanka si faah faahsan ugu gudbisay dhamaan waxyaabihii u qabsoomay wasaarada iyo qorshayaasha waqtiga dgow ee wasaarada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho