Hobyo(RBC Radio) Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo booqasho ku jooga degmada Hobyo ee bariga gobolka Mudug ayaa digniin culus u diray kooxaha jidgooyooyinka dhigta wadooyinka deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ayaa ugu baaqay dableyda jidadka Isbaarooyinka dhigta ee shacabka dhibaateeya iney ka waantoobaan arintaasi.
Madaxweyne Cabdi Qaybdiid ayaa wacad ku maray in maamulkiisa uu dagaal adag ka qaadi doono kooxaha caadeysta dhigashada jidgooyooyinka wuxuuna ballan qaaday iney gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo lagu qabto iyada oo jidka u taagan bulshada ku safra wadooyinka deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug.
Cabdi XAsan Cawaale Qaybdiid madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay iney jiraan kooxo waayihii danbe shaqooyin ka dhigtay iney jidka u galaa shacaka wadooyinka ku safraya kuwaas oo bulshada u geysta dil,dhac iyo handadaad,wuxuuna hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu u qalab qaadanayo sidii uu meesha uga saari lahaa kooxahaas.
Cabdi Qaybdiid oo ku sugan magaalada Hobyo ayaa maalmihii ina dhaafay halkaasi wadahadalo kula lahaa saraakiil ciidan oo ku sugan xeebaha magaalada Hobyo kuwaas oo aan ilaa hada la ogeyn waxyaabaha ay sida dhabta ah uga wada hadleen balse waxaa loo badinayaa iney ka wada hadleen arimo la xiriira Burcadbadeed Soomaalida oo fariisino ku leh magaalada Hobyo sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalankooda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho