Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Buur-hakaba oo ka Warbixiyey amniga Degmadaas

$
0
0

(RBC Radio) Maammulka magaalada Buur-hakaba ayaa ka warbixiyey amniga degmadaas oo dhawaan laga saaray ciidamada alshabaab oo sanado dhowr ah ka ariminayey gudoomiyaha maamulka magaalada Buur-hakaba Axmed Max’ed Yuusuf oo warbaaahinta la hadlay ayaa sheegay in amniga degmadaas uu yahay mid sugan.

Wuxuuna tilmaamay iney xal u heleen cabashooyin maaalmihii danbe kasoo yeerayey dadka ku safra wadada isku xirta degmooyinka Buur-hakaba iyo Wanlaweyn ee ka kala tirsan gobolada Shabeelaha hoose iyo Baay wuxuuna sheegay in dhibaatadaasi ay xal u heleen isla markaane ay xaqiijiyeen amniga wadada isku xirta Buur-hakaba iyo Wanlaweyn.

Gudoomiye Axmed Max’ed ayaa sheegay in 20-kii maalmood ee ina dhaafay ay soo afmeereen cabshadii dadka ku safra wadadaas ee ku saabsaneed kooxaha dhaca iyo dhibaatooyinka kale u geystay dadka rayid ka ah iyo xiliyada qaar oo ciidamada alshabaab ay jidka u galaan ciidamada dowlada ee ku safrayada wadaas iney gabi ahaanba soo afjareen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in 5tii Km ay dhigeen ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban kuwa dowlada Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM,wuxuuna sheegay in dhibaatooyin ay wali ka jiraan wadada isku xirta magaalooyinka Buur-hakaba iyo Baydhabo wuxuuna hoosta ka xariiqay in Todobaadkan gudihiisa ay ka sifeyn doonaan dadka dhibaaatada ka wada halkaas.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles