Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dhacdo Naxdin leh: Haweeney Dishay Ilmo ay dhashay oo Saacado Dhalanaa kadibne Gaari Dushii uga Tagtay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Dhacdo aan hore looga baran magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu arkay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya C/casiis Muxudiin oo ka mid ah Kirishbooyada ka shaqeeya Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka ayaa si lama filaan ah uga helay mid kaid ah kuraasta gaariga Bacmadow afka ka xiran taasoo uu sheegay inuu ka qubanayey dhiig.

C/casiis oo ka hadlay arinta naxdinta leh ee uu la kulmay ayaa sheegay in markii uu arkay bacdaas oo furay si uu u ogaado waxa ku jira wuxuuna tilmaamay in markii uu kala furay Bacmadowdii looga tagay gudaha gaariga uu ku arkay Ilmo yar oo dhalanaa muddo saacado ah.

Ilaha ayaa la waxaa loo dilay si naxariis darro ah waxaana la xaqiijiyey in la Ceejiyey ilaa ay naftu deysay kadibne lagu soo riday Bacdaas,Cabdi Casiis oo sii hadlayey ayaa sheegay in kursiga uu ka helay meydka Cunuga yar ay fadhisay haweeney uu sheegay iney iyado ahayd midii meesha uga tagtay ilahamaas.

Wuxuuna sheegay in durbadiiba ay ula carareen Cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir si loo xaqiijiyo in ilmahaasi da’da yar uu geeriyooday iyo hadii ay nafi ku jirtoo wax laga qaban karo lana badbaadin karo noloshiisa,balse waxa uu sheegay in markii ay dhaqaatiirto gaarsiiyeen ay xaqiijiyeen in ilmahaasi da’da yar uu geeriyooday.

Maamulka Cisbitaalka Banaadir ayaa sheegay iney asturayaan ilmaha yar ee saqiiray,agaasimaha Cisbitaalka Banaadir ayaa baaq u diray hablaha Soomaaliyeed ineysan dilin ilmaha ay dhalaan,wuxuuna sheegay in arintani ay tahay dhacdo cusub balse xiliyadii hore la arki jiray ilmo isaga oo nool meel lasoo dhigo kadibne ay korsan jireen dadka soo hela,wuxuuna kula dardaarmay in haweenku aysan dilin ubadkooda isagoona ku booriyey xitaa hadii ay tuurayaan ineysan nafta ka goyn.

Bulshada ayaa si weydiinaya sida ay hooyo ugu dhiiratay iney disho ubad jirkeeda kasoo go’ay kaasoo ay sagaal bilood kusoo waday caloosheeda,waa arin naxdinteeda leh isla markaane ka mid ah caadooyinka xun xun ee aysan bulshada Soomaaliyeed dhaqanka iyo hidaha u lahayn balse waxaa ay ka mid tahay dhaqamada aan wanaagsaneen ee laga soo min guuriyey wadamo aynaan isku dhaqan iyo isku diin toone ahayn,waxaana hubaal ah in arimaha nuucan oo kale ah ay ka dhalaneyso caro iyo Ciqaab Alle

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles