Muqdisho(RBC Radio) Maamulka iyo Ardayda dugsiga al-furqaan oo ku yaalla gudaha dugsigii 21 October ee magaalada Muqdisho ayaa maanta Muqdisho ka dhigay banaanbax ay kaga soo horjeedaan in dugsigaasi laga raro,maamule ku xigeenka ISkuulka al-furqaan oo lagu magacaabo C/qaadir Cabdi Axmed oo warbaaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaato lagu hayo iskuulka al-furqaan oo ay wax ku bartaan arday kor u dhaafaya shan boqol oo arday.
Maamule xigeenka dugsiga al-furqaan ayaa sheegay in xili ay dhigayeen banaanbax nabadeed oo ay ku dalbanayeen inaan laga saarin dugsiga 21 October ee kuyaalay degmada Waaberi oo ay hada dhex dagan yihiin ayuu sheegay iney weerar kusoo qaadeen ciidan uu watay taliyaha ciidamada booiska degmada Waaberi kasoo sida uu sheegay jeelka u taxaabay maamulihii iyo macalimiintii dugsiga.
C/qaadir Cabdi ayaa sheegay in goobta ay hada wax ku baraan ardayda ay og yihiin inuu yahay dhul dowladeed balse waxa uu sheegay iney goobtaas wax ku baraan arday danyar ah oo uu sheegay in intooda badan ay si lacag la’aan ah ay wax ku baraan.
Wuxuuna eed dusha kaga tuuray wsiir ku xigeenka wasaarada adeegada bulshada oo uu sheegay iney doonayo in goobtaas uu ka dhiso dugsi wax lagu baro carruurta agoonta ah isagoona tibaaxay in dugsigoodu uu la mid yahay midka la doonayo in lagu bedelo sidaas darteedne waxa uu ka codsaday inaan laga saarin gooobta ay hada wax ku baraan ardayda ee dugsigii hore ee 21 October
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho