Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wafti heer Wasiir ah oo ka Socda Dowlada Soomaaliya oo Goordhow Gaaray Magaalada Beledweyne (Dhageyso)

$
0
0

Beledweyne (RBC Radio) Wafti heer wasiir ah oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waftiga oo ay horkacayso wasiirada adeega bulshada ee xukuumada Soomaaliya Maryam Qaasim waxaana waxaana safarka ku wehlinaya wasiirka Khayraadka C/risaaq cumar.

Waftiga oo daqiiqado ka hor kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif ayaa usoo talaabay gudaha magaalada Beledweyne waxaana si diiran usoo dhaweeyey waftiga ka socda dowlada Soomaaliya maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka Amisom.

Waftiga ayaa la soo sheegayaa iney u kicitimeen dhanka deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo lagu baxnaaninayo bukaanada uu soo ritay cudurka Daacuun-Caloolaha oo la xaqiijiyey inuu ka dilaacay gobolka Hiiraan.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Waftiga gaaray magaalada Beledweyne ayaan ilaa hada ka warbixin safarka ay ku tageen magaalada Beledweyne,wararka ay Raxanreeb ka heleyso magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ujeedka safarka waftiga uu yahay u kuurgalida xaaladaha dad badan oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka kaasoo baaritaano xeel-dheer  kuwaas oo ay ku ogaadeen in cudurka Daacuun Calooluhu uu si rasmi ah uga dilaacay halkaas,waxaana lagu wadaa in masuuliyiinta waftiga hogaaminaya ay warbaahinta uga waramaan waxyaabaha uu ku qotomo socdaalkooda magaalada Beledweyne.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles