Balcad(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon SAacid iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe R/wasaaraha ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Safarka R/wasaaraha uu ku tagay degmada Balcad ayaa ahaa mid ka duwan kuwii uu ku tagay gobolada kale ee dalka,Waftiga R/wasaaraha oo ay ka mid yihiin wasiirada arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo gaashaandhiga ayaa safarka ku gaaray magaalada Balcad socdaal dhanka Dhulka ah.
Markii uu waftiga R/wasaaruhu uu gaaray magaalada Balcad ayaa waxaa si diiran halkaa ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta maamul ka degmadaas iyo boqolaal shacabka ah waxaana si weyn loo adkeeyey amniga magaalada guud ahaan.
Safarka R/wasaaraha uu ku gaaray magaalada Balcad ayaa waxaa la filayaa marka ay is arkaan masuuliyiinta degmadaas inuu uga sii talaabo degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe oo uu ku qoto safarkiisu.
Safarada R/wasaaraha oo ahaa kuwo isdaba joog ah ayuu sheegay inuu uga gol leeyahay u kuurgalida xaaladaha shacabka ku dhaqan gobolada dalka isla markaane uu usoo dhegeysto si ay dowlada Soomaaliya ugu dhaqanto rabitaanka shacabkeeda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho