Muqdisho(RBC Radio) Alshabaab ayaa sheegay iney diyaariyeen ciidamo la dagaalana ciidanka Siiral-Yoon ee ku sugan Soomaaliya gudoomiyaha alshabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir Sh Cali Max’ed Xuseen oo dibad joog ka ah magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ururka alshabaab ay diyaariyeen guutooyin ciidan ah oo la dagaalama ciidanka Siiral-yoon ee ku sugan Soomaaliya.
Sh Cali Max’ed oo alshabaab ugu magacaaban gobolka banaado dibad joogne ka ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kadib markii ay ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab milateri ka helay ciidanka Amisom ay alshabaab awood dagaal kaga saareen guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa ku hanjabay iney dhabarka ka jabin doonaan Ciidanka Amisom isagoona tibaaxay iney hubka Amisom ka furan doonaan sida uu hadalka u dhigay xili uu la hadlayey warbaahinta afkooda ku hadasha.
Gudoomiyaha alshabaab u matala gobolka Banaadir ayaa sheegay in alshabaab ay gudaha ugu jiraan magaalada Muqdisho isla markaane ay hawlgalo ka wadaan Caasimada sida uu sheegay walow uu amniga magaalada Muqdisho yahay mid ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowlada Soomaaliya.
Ururka alshabaab oo waayihii danbe laga saaray inta badan goboladii ay gacanta ku hayeen sanadihii danbe kadib markii ay duulaan culus ku qaadeen ciidamada nabad ilaalinta Amisom iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa hogaamiyaashooda sheegayaan in alshabaab ay wali ka arimiyaan deegaanada laga saaray sida uu qabo Sh Cali Max’ed oo tibaaxay iney Muqdisho wax ka maamulaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho