Nairobi(RBC Radio) Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Max’ed Cali Nuur “America” ayaa shaaca ka qaaday in safaarada Soomaaliya ee wadanka Kenya ay diyaar u yihiin hadii ay rabshado ka dhashaaan doorashooyinka wadanka Kenya oo ay hada socoto tirinta codadka ay dhiibteen shacabka dalkaas oo soo dooranaya xilalka kala duwan ee wadankaasi Kenya.
Max’ed Cali Nuur danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya ayaa sheegay in safaaradu ay heegan u tahay iney u gurmato shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Kenya hadiiba ay rabshado ka abuurma muran ka dhashay doorashada wadankaas oo xiligan ay indhaha ku wada hayaan Kenyaanka iyo beesha caalamka intaba iyadoo laga cabsi qabo iney dhacaan rabshado la mid ah kuwii dhacay sanadkii 2007.
America ayaa tibaaxay in Soomaalida ku dhaqan wadanka Kenya ay wadnaha farta ku hayaan iyagoo ka baqdin qaba qalalaaso ka dhaca dalka Kenya wuxuuna intaa ku daray in gabi ahaanba ay xiran yihiin goobihii ganacsiga xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Islii dadkune ay guryaha ku wada sugan yihiin iyagoo ka war dhowraya natiijada kasoo baxday doorashada wadanka Kenya.
Dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan bqolaal kun oo Soomaali ah kuwaas oo intooda badan ku sugan xeryaha Qaxootiga Dhadhaab waxaana jira ganacsi xooggan oo Soomaalidu ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimada dalkaas halkaaasoo ay taalo hanti badan oo Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho