Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Roob Mahiigaan ah oo Saameyn ku Yeeshay Barakacayaasha oo Muqdisho ka Da’ay Saacadihii lasoo Dhaafay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Roobab Mahiigaan ah ayaa xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kuwaas oo saameyn ba’an ku yeeshay barakacayaasha ku dhaqan magaalada Muqdisho oo aan haysan hoy ay ka galaan dhibicda iyo qabowga roobka,roobabka oo magaalada Muqdisho ka bilowday xalay saqdii dhexe ayaa da’ayey ilaa saaka aroortii hore.

Roobka oo ahaa mid lixaad leh ayaa si xiriir ah u da’yey in kabadn 7 saacadood waxaanaka dhashay roobkaasi daad xoog badan kaasoo meelaha qaar magaalada xiray wadooyinka iyadoona uu saamayn ku yeeshay Korontada magaalada Muqdisho kadib markii ay daadadku dhulka ku dareen Baalayaasha lagu xiro fiilooyinka Korontada.

Baracayaasha ku jira xeryaha barakaca magaalada Muqdisho oo aan haysan guryo ay ka galaan dhibicda roobka ayaa soo food saartay dhibaato baaxad leh waxayna ka codsadeen dhamaan dowlada,hay’adaha gargaar iyo dadka Soomaaliyeed iney lasoo gaaraan gargaar ay ugu horeeyaan bacaha (Shiraac)

Waxayna sheegeen iney lasoo deristay dhibaato xoogan oo ka dhalatay roobabkii cuslaa ee xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,Warbaahinta Raxanreeb oo booqatay qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha magaalada si ay ugu kuurgasho saameynta ay ku yeesheen roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho ayaa soo aragtay dhibaatada baaxada leh ee haysata dadkaasi tabaaleysan oo markii horaba la daalaadhacayey helida qutul-yoonkooda hadane ay ugu darsan tahay hoy la’aan.

Aqalada ay dadkani ku nool yihiin oo ka samaysan bacayo iyo cooshado ayaan awood u lahayn iney ka celiyaan dhibicda roobka iyo dhaxanta uu wato,waxaana xusid mudan in xeryaha qaar ay daadadku dumiyeen cooshadihii ay dadkani gabbaadka ka dhibanayeen.

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles