Beledweyne(RBC Radio) Dhaqaatiirta Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa ka socda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo magaalada Beledweyne looga yaqaan Hiil-walaal ayaa maanta xaqiijiyey in Cudurka Daacuun Calooluhu uu ka dilaacay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Dhaqaatiirta ciidamada Amisom ee ka socda wadanka Jabuuti kuwaas oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa kadib baaritaano dheer oo ay ku sameeyeen bukaano fara badan oo markii hore la sheegay inuu soo ritay cudurka shuban biyoodka balse waxa ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta Amisom in cudurka Daacuun Calooluhu uu kla dilaacay gobolkaas.
KIisas badan oo uu hayo cudurka Daacuun Caloolaha ayey ku arkeen dhaqaatiirta ciidamada Amisom gaar ahaa kuwa dalka Jabuuti waxayna baaritaano ku sameeyeen boqolaal bukaan oo markii hore la sheegay inuu soo ritay cudurka shuban biyoodka kuwaas oo ku jira Cisbitaaalka guud ee magaalada Beledweyne iyo xarun caafimaad oo ciidanka Jabuuti ay ka hirgaliyeen deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Beledweyne.
Dhaqaatiirta ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka Amisom ayaa ballan qaaday iney gacan weyn ka geysan doonaan xakameynta cudurkaas si uusan bulshada ugu faafin isla markaane uusan u geysan dhibaato baaxad leh.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho