Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Kismaayo: Ciidamada Siiralyoon oo Tagaya Iyo Ciidamada Kenya oo Tiro Ka Mid ah Laga Daadgureynayo

$
0
0

Muqdisho (RBC) Illaa 850 askari oo ka mid ah ciidamada wadanka Siiralyoon oo qeyb ka mid ah ay hadda ku sugan yihiin magaalada Dhoobley ayaa lagu wadaa in dhowaan la geeyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Siiralyoon ayaa la sheegayaa in tiro yar ay ka dhiman tahay kuwaasoo lala sugayo ciidanka hadda ka jooga xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, sidaasi waxaa xaqiijiyey afhayeenka guud ee ciidamada AMISOMCol. Cali Aadan Xumud.

Ciidamada Kenya ee hadda ku sugan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo oo kor u dhaafaya illaa 4,600 askari ayaa iyaguna lagu wadaa in qeyb ka mid ah laga daadgureeyo Soomaaliya dibna loogu celiyo wadankooda.

“Ciidamada Siiralyoon markay yimaadaan ciidamada Kenya waxaa la gaarsiin doonaa tiradooda in la eg tirada Siiralyoon.” ayuu yiri afhayeenka AMISOM Col. Xumud.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo boolis ah oo ka socda AMISOM ay dhowaan la wareegi doonaan amaanka magaalada Kismaayo,

Dhinaca kale taliska ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo oo qeyb ka ah hawlgalka AMISOM ayaa xaqiijiyey in ay tirada askarta ka joogta Soomaaliya ay yareyn doonaan ayna gaarsiin doonaan illaa 850 kaliya marka ay ciidamada kale ee  Siiralyoon soo gaaraan gobolka, sida uu Raxanreeb u sheegay taliyaha ciidamada Kenya Gen Antoni Ngere.

Saraakiisha Amisom waxay kaloo cadeeyeen inay si dhow ula socdaan qorshaha bixitaanka ciidamada Ethiopia- ee haddaba ka bilaabatay gobollada qaarkood, waxayna xaqiijiyeen in goobaha ay ka baxaan Ethiopianka loo diyaariyey ciidan Amisom iyo dawlada federaalka ka socda.

Booliska Amisom

Taliska Amisom waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in ciidamada booliskooda ah lagu faafinayo gobollada Hiraan, Shabeelooyinka, Baay iyo Bakool si ay halkaasi amaanka u sugaan ayna tababaro ugu furaan ciidamada booliska Soomaaliyeed ee gobolladaasi laga ururinayo.

Soo gelitaanka ciidamada Siiralyoon ayaa horey loogu dhawaaqay inkasto ay dib u dheceen dhowr jeer, hase yeeshee waxay hadda ku soo beegmayaan xilli dawlada federaalka iyo AMISOM ay shaaca ka qaadeen inay weeraro ku qaadayaan deegaanada ay heystaan Al Shabaab ee ka tirsan gobollada Gedo, Jubbada Dhexe, Baay iyo Bakool.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles