Muqdisho(RBC Radio) Xildhibaano ka tirsann baarlamaanka Sooomaaliya oo wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka ku dhaliilay habka ay u dhiseyso maamulada gobolada dalka Xildhibaan Mustaf Isxaaq Guudow oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceeyey qaabka ay wasaaradu u qorsheysay dhisida maaamulada dalka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in wasaaradu ay masuul ka tahay khilaafaadka dhanka maamulka ah ee ka taagan gobolo dhowr ah oo ka tirsan dalka,wuxuuna tilmaamay in wasaarada arimaha gudaha looga baahnaa iney sameyso sharci lagu hago maamul u samaynta gobolada dalka.
Mustaf Guudow ayaa sheegay in wasaarada laga rabay iney marka hore soo diyaariso sharci kadib ay hor geyso golaha wasiirada si ay u ansixiyaan markaaas kadibne uu baarlamaanka Soomaaliya meel mariyo ugu danbeyntiine uu dikireeto madaxweyne lagu saxeexo si uu u dhaqan galo.Xildhibaan Guudow ayaa tibaaxay in hadii aysan wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka aysan wax badan ka bedelin habka ay u wado maamul u samaynta gobolada intaasi ay sii adkeynayso xal u helida muranada ka taagan maamulada dalka loo dhisay.
Eedda loo jeediyey wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili ay wasaaradu gobolo iyo degmooyin dhowr ah oo ka tirsan dalka ay u magacowday maamulo kumeelgaar ah oo talada haynaya muddo 6 bilood oo kaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho