Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Gudoomiyihii Hore ee Magaalada Marka oo ka Biyo Diiday Xil ka Qaadistii Lagu Sameeyey

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Marka(RBC Radio) Gudoomiyihii magaalada Marka oo dhawaan xilka qaadis lagu sameeyey ayaa ka biyo diiday go’aanka kasoo baxy dowlada Soomaaliya ee xilka looga xayuubiyey isaga iyo qaar kale oo ka tirsanaa masuuliyiinta magaalada Marka kadib markii ay ku lug yeesheen dagaal markii danbe isku bedelay dagaal beeleed.

Axmed Macalin Cukaash oo ahaa gudoomiyihii hore ee maamulka magaalada Marka dhawaana ay dowlada Soomaaliya xilkii ka qaaday oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuusan ogeyn xil ka qaadis lagu sameeyey isagoona gaashaanka u daruuray xilka qaadista lagu sameeyey.

Cukaash ayaa sheegay inuu fadhi ku dirirada ka maqlay in xilkii laga qaaday wuxuuna sheegay in xil ka qaadistiisa aan loo marin habkii sharciga ahyd isagoona hoosta ka xariiqay inuu wali yahay gudoomiyaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Shalay ayey ahad xili uu wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya Cali Oday uu Cukaash ku eedeeyey inuu dagaalka ka dhacay magaalada Marka ka danbeeyey sidaas darteedne ay dowlada Soomaaliya gabi ahaanba xilka ka qaaday kadib markii lagu helay inuu ku lug lahaa dagaalka magaalada Marka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles