Marka [RBC Radio]Wararka anu ka heleno magaaladda Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa soo sheegaya in magaaladdu ay ku jirto xaalad an cago badan ku taagnen kadib daagaloo shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Marka.
Xiriiro kala duwan oo ay shabakada Raxanreeb la sameysay qar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in xaalad an daganen ay ka jirto magaaladda xili walbana la fili karo dagaalo markale qarxa.
Qof ka mid ah dadka deeganka oo goor dher ay la xiriirtay shabakada Raxanreeb ayaa inoo sheegay in ay wali si is hor fadhiyaan ciidamadii magaalada ku dhex dagaalamay magaalada.ruux oo naga codsaday in anuu daabicin magaciisa ayaa in taas ku daray in dagaalka Marka inuu yahay mid salka ku hayaa qaab qabiil.
“Ruunti maantay magaaladda Marka madagana waxana shacabka magaaladu ay dhagta uu hayaan dagaal markala ka qarxa magaaladda madama ay wali is hor fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay,dagaalka Marka hadi an ku sharaxo waa dagaal ku salaysan hab qabiil mar walbana waxaa la filan kara inuu dagaal dhaco”ayuu inoo sheegay mid ka mid ah dadka degan Marka oo anuu la xiriirnay.
Goob joogahan ayaa dhinaca kale wax ka weydinay khasaaraha uu gestay dagaalki shalay galinki danbe qarxay waxana uu inoo sheegay inuu in dhihisa ay qabteen illaa 5-ruux oo geeryooden,tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Marka.
Magaaladda ayaa ilaa xiligaan ay san kajirin wax dagaal ah balse waxaa jira xaalad cabsi ah.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo