Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud oo Fariin udiray Shacabka Soomaaliyed (Video)

$
0
0

Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Xasan Sh.Maxamuud ayaa ka hadlay arimo dhoor ah oo ka mida xaalada xiligaan uu dalku ku jiro waxana uu madxaweynaha ku dheeraday sidii mar Soomaaliya ay uga dhaqmi lahed dhibaatoyinka inta badan ay la kulmaan dadka shacabka Soomaaliyed.

Madaxweyne Xasan ayaa fariintan Maqal iyo Muuqaalka oo u Dirayay Shacabka Soomaaliyeed waxaa uu ku sheegay in xukuumadisu ay tahay mid mar walba ka dhiidhida dhibaatada loo gesto shacabka Soomaaliyed,waxana uu in taasi uu ku daray in ay isu taagayaan sidi mar Soomaaliya uga bixi lahed dhibaatada ay ku jirto ee bini’aadinimo.

Madaxweyne Xasan ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay Warbixinada hay’adaha Xuquuqul Aadanaha ay soo qoraan oo lagu sheegayo in Soomaaliya ay tahay meel Aan xuquuqda dadka lagu Ilaalin taas ayuu madaxweynaha sheegay in ay Dowladdu wax ka qabandoonto.

Waxaa sidoo kale uu madaxweynu hadalkisa ku soo qaday in indhaha caalamku ku jeedan habdhaqanka Soomaaliya iyo xukuumada uu madaxweynaha ka yahay ayna ku jiraan  tijaabo uu Caalamka intiisa kale ay Tijaabinayaan Sida Shacabka Soomaaliyeed uu u noqon lahaa mid dib ula soo labtaa Taariikhdooda soo jireen.

Madaxweynaha Dalka oo fariintaan kasoo diray isagoo hadda kusugan dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayuu ku hanjabay in la ciqaabi doono dhamaan shaqsiyaadka dawlada katirsan ee lagu helo fal dambiyeedyada HRW soo saartay ee kufsiga haweenka iyo tacadiyada loo geysto ayna sidoo kale dhaqan celin usameyn doonaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo sheegay in faarintisa uu si qas ah ugu diraayo shacabka Muqdisho waxana uu sheegay in ad looga cabano isla markana ay kajirto sida warbixinada qar lugu sheegay in xaaladda bi’aadantinimadu inay halkaasi kajirto.

Hoos ka daawo Muqaalka

Iimaan Maxamed Jaamac

RBC Radio

Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles