Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Xubno ka mida wafdigii dawladda ee Kismaayo joogay oo ku laabtay Muqdisho

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Kismaayo [RBC Radio]Waxaa Kismaayo isaga soo baxay xubno ka mida wafdigii dawladda Soomaaliya ee maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda hoose ayaa soo sheegaya in garoonka diyaaradaha ay ka dhoofeen xubno uu ka mid yahay wasiirka gaashaan dhigga ayna ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayna gaareen magaalada Muqdisho.

Inkastoo aanan is dhaba loo ogayn ujeedka rasmigaa ee soo dadajiyay safarka dagdagaa ee xubnahaasi Kismaayo ay oga soo kicitameen  hase ahaatee sibu noqoshada xubnahaan ka mid ka ahaa waftigi R/wasaare Saacid ayaa ku soo beegmaya xili ay jirto ismaandhaaf siyaasadeed oo salka ku hayo arimaha Jubbooyinka.

R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu isna ku labto magaaladda Muqdisho.

Iimaan Maxamed Jaamac

RBC Radio

Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles