Garoowe (RBC RADIO) Bartamihii 7kan ayaa magaalada Garoowe waxaa ka bilowday in Goobaha Dukaamada Bakhaarada iyo Aagaga Ganacsiga Yar yar lagu gadaba laga soo saaray Bacaha ay isticmaalaan si looga dhabeeyo awaamiirtii kasoo baxday Madaxda Puntland kaasi oo la xiriidhay Joojinta Ka ganacsiga iyo Isticmaalka Bacaha oo la sheegay in Dad iyo Duunyaba ay halis u tahay sidaa darteed ayaa Maalmihii ugu dambeeyey Gudaha Magaalada lagu dhex arkayay Ciddan hubaysan kuwaasi oo baadi goob ugu jira in ay helaan Goob Bacaha lagu iibinayo ama lagu isticmaalayo.
Wax yaabaha muujinaya in Puntland ay u diyaargarowday in Ay ka dhabeyso Hakinta bacaha waxaa muujinaya sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Dowlada Hoose ee Garoowe in xataa lala dagaalamayo Hablaha Suuqa kasoo adeegda kuwaasi oo Ciidanka ay Bacda ka jeexayaan Kana daadinayaan Adeega ay gabdhuhu sitaan iyagoo ku amraya in aysan isticmaalin Bacda kuna bedelato Salad ama wax kale oo ay ku adeegtaan waxaana Saaka Suuqa mar aan booqanay Habluhu inta badan ay wateen Salado iyo wax yaabo kale oo ay ku adeeganayeen iyagoo iska daayay inta badan Bacda, waxaa sidoo kale Magaalada Lagu arkayaa Haweenka ka ganacsada Qaadka oo iyana aan is ticmaaleyn Bacda kadib Markii loo digay, waxaana Dadka iibsada Qaadka ay qaarkood tosheen Maro Baati ah halka kuwa kalena ay isagoo asturnayn ay jidka kula laafyoonayaan.
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland (DDDD) Saleebaan Maxamuud Siciid (Dhoodi) ayaa sheegay in Bacda ay lid ku tahay Caafimaadka Qofka iyo Duunyada ayna saameesay Dhaqankii Suubanaa ee Soomalida lagu yaqiinay sidaa darteedna la doorbiday in awood lagu joojiyo hadii ay dadku hadal iyo waano wax ku qaadan waayeen xilli uu ka hadlayay Goob fagaaro ah oo ku taal Duleedka garoowe oo lagu gubayay Bacihii Badnaa ee laga soo aruuriyaha Goobaha Ganasiga ee Magaalada ku yaal.
Inkastoo Magaalada Garoowe kaliya uu hada ololahan ka bilowday hadana waa la filayaa in Gobolada kalena ay ka bilowdaan waxayna dad badan oo ka war qaba dhibaatada ay bacdu ku hayso dadka iyo deegaankaba ay sheegeen in maamulku kusii dhiiranaado Ladagaalanka Bacda si dhaqso ahna lagu keeno wax badala si dadku aysan marmarsiyo u keenin.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhamaadkii Sanadii aynu soo gudubnay ku dhawaaqay in La mamnuucay Bacaha ka ganacsigooda iyo isticmaalkoodaba hase ahaatee mudo afar bil ah kadib ayeey u muuqataa in amarkaasi uu sidii la rabay u dhaqangali rabo hadii aan la hakin ololaha iminka la bilaabay.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.