Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo Dhaweeyey Go’aankii Golaha Amaanka ay Qayb ahaan ku Qaadeen Xayiraadda hubka ee Soomaaliya Saaran(War-saxaafadeed)

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey go’aankii ay 15-ka xubnood ee golaha amaanka ay iskugu raaceen qaadista qayb ahaan xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya madaxweynaha ayaa qoraalkiisa ku yiri “Waxaa jirto xisaabtan iyo masuuliyad la socota go’aankaas.Golaha Amaanka Go’aankooda wuxuu si sax ah ula socdaa isbedelka cusub ee siyasadeed ee ka jira Soomaaliya.” Cunuqabateyntan ayaa Golaha Amaanka si qeyb ah uga qaadeen Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri madaxweynaha.

“Kumanaan Ciidamadda ee Xooga Dalka oo ay soo tababreen dalalka aan saaxibada nahay ayaa Soomaaliya dib ugu soo laabtay, nasiib daro qalab la’aan ayaa caqabad ku noqotay si ay howshooda u gutaan ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka madaxweynaha.

Warsaxaafadeedka oo sii socda ayuu ku sheegay madaxweyne Xasan Sh “Dowladda waxey u mahad celineysaa Golaha Amniga , qadarintooda iyo fahamkooda, waxeyna Dowladda Soomaaliya masuuliyad iska saareysaa dhamaan sharciyadda iyo sharuudaha la socda go’aanka Golaha Amniga ay gareen, si waafaqsan nidaamka, kuna dhisan hufnaan”

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaatan dib- u dhiska dalkooda. “Talaabadan ayaa ah guul usoo hoyatay dhamaan Shacabka iyo Dowladda.

Dowlada Soomaaliya ayaa si weyn dadaal ugu gashay sidii ay golaha amaanka qaramada midoobe uga raaridi lahayd iney qaadaan xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya go’aanka golaha amaanka ayaa muujinaya sida ay beesha caalamka diyaarka ugu tahay garab istaagida dowlada Soomaaliya oo ay horyaalaan wax ka qabashada caqabado aan yarayn.

 

RBC Radio

XAfiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles