Image may be NSFW.
Clik here to view.Wararka laga helayo xaaladda qar ka mid ah Soomaali ku xir xirneed xabsi ku yaala dalka Liibiya ayaa soo sheegaya in qar kamid ah ay ugeeryooden baahi kadib markii ay mudo dheer ku jireen xabsigaasi.
Wararka ayaa intaasi ku darayaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si sharci daro ah ku galeen dalka Liibiya taasina ay sabbabtay in ciidamada amaanka dalkaasi ay xabsi utaxaaban in mudo ah kadibna ay baahi ugu geeryooden.
Dhalin yarada soomaaliyeed ee haatan ku sugan dalkaasi Liibiya ayaa waxay ku jiraan xaalada nololeed tii ugu adked ,waxaana lagu soo waramaya in qaar kamida muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwa ay yihiin maxaabiis kuwa kalena ee xorriyadooda haystana aysan ku noolayn nolaal sidaas u sii buurnayn.
Xabsiyada Liibiya ayaa xiliyada waxaa ku jira muwaadiin Soomaaliyeed kuwaasi oo iskugu jira rag iyo dumar waxaa sido kale wararku intaaasi ku darayaan in haweenka soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada qaarkood ay ku dhex dhaleen caruur.
Dalka Liibiya ayaa waxaa inta badan garaa dhalinyaro Soomaali ah ku waaso si tahrib ah kumaro dalkaasi iyagona inta badan isku dayaa inay ugudbaan wadamada qarada Yurub si nool kawanagsan tan ay ku heysteen dalkoda ay ugu raasadan balse intooda badan waxaa ay la kul maan qataro kala duwan waxana jira qaar geeryooda inta ay socdalka ku jiraa halka kuwaa kala loo taxaabo xabsiyada.
Marka la eego dhibaatada haysata dadka Soomaaliyed ee dalkooda ka caraara mahaan dalka Liibiya oo kaliya sidoo kale waxaa jira dalal dhowr ah oo markasta soomaaliya lagu dhibaateeyo waxaana dalalkaasi ka mida dalka South Africa,Tanzaania iyo Yamen oo markasta soomaalida lagu dilo laguna dhaco iyagona dalal kaasi oo dhan ku taga si bilaa sharci ah.
Xiriir anuu isku daynay inan la sameno safaaradda Soomaalida ay ku ledahay dalkaasi ayana inoo sura galin balse illa xiligaan majirto cid si cadd u cadaysey geerida ku timid muwaadiin Soomaaliyeed.
Dhawaan dalka Qadar waxaa kulan ku qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Liibiya iyagona kawada hadlay dhibaa tadada dalka Liibiya ku haysataa muwaadiin Soomaaliyeed,waxana ra’iisal wasaaraha dalka Liibiya uu balan qaday in xukuumada dalka Liibiya ay waxa ka qaban doonta dhibaatada haysataa dadka Soomaaliyed ee dalkasi sida sharci darada ah ku gala.
Iimaan Maxamed jaamac
RBC Radio
Xafiiska Wararka Gaalkacyo