Muqdisho(RBC Radio) Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday ninlagu helay inuu ka danbeeyey dilka Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka tirsanaa idaacada MAanta ee magaalada Muqdisho kasoo toogasho lagu dilay bishii September ee sanadkii dhamaaday maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen oo lagu helay inuu ka danbeeyey dilka Wariye Xasan Yuusuf Absuge.
C/laahi Max’ed Muuse oo loo yaqaano Keye kana tirsan garsoorayaasha maxkamada ciidamada qalabka sida oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in maxkamada la horkeenay Cadeymo iyo Markhaatiyo ku cadeeyey inuu isagu geystay dilka wariye Xasan Yuusf Absuge.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo eedeysane Cabdi Xasan Dhuxulow oo isne loo haystay inuu lug ku lahaa dilka Alle ha u naxariistee Wariye Xasan Yuusuf Absuge kaasoo lagu waayey tuhunkii lagu soo eedeeyey.
Waa markii ugu horeysay ee qof dil u geystay wariye Soomaaliyeed loo qabto laguna xukumo dil,wariyaasha Soomaaliyeed ayaa ku farxay xukunka lagu riday gacan ku dhiiglaha dilka u geystay marxuum Xasan Yuusuf Absuge.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho