Kismaayo (RBC) Goordhow oo fiidnimadii caawa ah waxaa hotelka Tawakal ee ay magaalada Kismaayo ka degan yihiin wafdiga raysul wasaaraha Soomaaliya shir jaraa’id ku qabtay wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay marayaan wadahadal illaa maalinimadii Talaadada ka socday magaalada Kismaayo.
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in “caqabad dastuuri ah” ay isku horgudubtay shirarkii magaalada Kismaayo uga socday wafdiga dawlada federaalka ee ku sugan Kismaayo iyo maamulka Kismaayo.
Haddaba war saxaafadeed goordhow uu soo saaray wasiirka ayaa soo gaaray Raxanreeb, kaasoo u qornaa sidatan;-
Kismaayo, March 28,2013——Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa caawa shir jaraa’id ugu qabtay warbaahinta hotelka Tawakal oo ay degan yihiin wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Wasiirka ayaa aqriyay warkooban oo ay Xukuumadu soo saartay, waxaana uu u qornaa sidatan:-
Ugu horeyn, Wafdiga balaaran ee dawladu waxay ka mahad celinayaa sidii diiranayd ee naloogu soo dhaweeyay magaalda Kismaayo.
Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee xoreeyay deegaankan, waxaan si gaara ugu mahad celinaynaa walaalaheena Kenya hawsha ciidan ee ay deegaankan ka hayaan.
Booqashadani waxay la xiriirtaa booqashooyinkii ay dawladdu ku maraysay gobolada iyo degmooyinka dalka. Waana midii ugu dheerayd ee dawladu gasho mudaddii ay jirtay, taasina waxay muujinaysaa ahmiyda ay dawladu siinayso arrimaha la xiriira Maamulka , dib-u heshiisiinta bulshada iyo sugida amniga.
Ujeedda booqashadaani waxay ahayd, u kuurgalida xaalada deegaanka gaar ahaan mida Maamul,dhaqaale u guurgalida nolosha shacbiga iyo mida siyaasadeedba.
Waxaa wafdigu u suurto gashay inay dhagaystaan dareenka shacabka deegaanka, ayna gaarsiiyaan fariinta rasmigaa ee dawladda ee dhanka maamulka iyo arrimaha ba’nii’aadanimada.
Kadib, Markii wafdigu soo gaaray magaalda Kismaayo.
Waxaa wafdigu wada hadalo mudo dheer qaatay lagalay, masuuliyiinta deegaanka sidii laysula meel-dhigi laahaa aayatiinka siyaasadeed ee deegaanka.
Waxaana yeelanay wada hadalo ay daadihinayeen guddi farsamo oo labada dhinac ka kooban.
Ayadoo wax badan laga wada hadlay, ayaa hadana waxaa yimid qodobo Dastuuri ah oo aan la dhaafi karin, waxaana rajo ka qabnaa in qodobadaas aan xal u heli doono mustaqbalka dhaw.
Dawladu iintii ay tanaasuli kartay waa ay tanaasushay, waxaana masuuliyad dheeri dawlada ka saaran yahay sareynta dastuurka qaranka.
Waxayna had iyo jeer dawladu diyaar u tahay in wada hadaladu sii socdaan illaa xal rasmi ah loo helo arrimaha deegaankan.
Ugu danbayn, dawladdu waxay soo saari doontaa xog rasmi ah oo la xiriirta arrimaha deegaanka.
Wafdiga dawlada oo beri ambabaxaya
Dhanka kale xubno ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Raxanreeb u sheegay in wafdiga raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo illaa maalintii Talaadada ee taariikhdu ahayd 26/03/2013 ku sugnaa Kismaayo ay berito soo gabagabeynayaan socdaalkooda maadaama berito ay u tahay maalintii Afraad.
Ilo wareedka ayaa Raxanreeb u sheegay in raysul wasaaraha iyo wafdigiisa ay heysteen mudo saddex maalmood oo ah oo ku ekeyd maanta oo Khamiis ah, hase yeeshee rajo laga qabay in wadahadalada u dhexeeya wafdiga dawlada iyo dhanka maamulka Kismaayo ee kumeelgaarka ah darteed lagu daray maalin afraad. Balse waxaa caawa wafdiga ay go’aansadeen inay ku laabtaan Muqdisho.
Caqabada ugu weyn ee la isku mariwaayey intii ay socdeen wadahadalka u dhexeeyay wafdiga raysul wasaaraha iyo Maamulka Kismaayo oo uu hogaaminayey Sheekh Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay dhismaha maamul gobol oo kumeelgaar ah oo dhanka dawladu ay rabtay iyo dhanka kale oo rabay in maamul goboleed la dhiso dawladuna fasax siiso.
Qoddobaasi aya illaa hadda la isku waafaqi waayey.
Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdigiisa ayaa u muuqda inaysan ku qancin arrintaasi, sida ku cad war saxaafadeedka caawa uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha oo wafdiga ka mid ah.
Illaa hadda dhinaca maamulka Kismaayo iyo ururka Raskambooni kama hadlin dhinacooda.
Maxaa xiga?
Haddii wafdiga raysul wasaare Saacid berito ka soo laabtaan Kismaayo iyadoo xaaladu ay tahay sidan, waxaa markaasi socdaalka Kismaayo uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ugu waqtiga dheeraa ee uu raysul wasaaruhu ku bixiyo gobolada dalka, isla markaana aan wax natiijo ah ka soo bixin tan iyo intii uu raysul wasaatuhu bilaabay socdaalkiisa gobollada ee uu ugu magacdaray “socdaalka dhageysiga iyo barashada“.
Waxayna taasi horseedi kartaa inuu sii xumaado xiriirka “mugdiga badani ku jiro” ee haddaba u dhexeeya dawlada federaalka ee Muqdisho fadhida iyo maamulka ku-meelgaarka ee Kismaayo .
RBC Radio